Su'aasha ku saabsan barbaarinta toosan ee ubadka waa mid qayb ka ah nolosha waalid walba oo dareemaya masuuliyada ka saaran tarbiyaynta iyo jihaynta
toosan ee ubadkiisa. Dareenka masuuliyaddaas ayada ahna waa mid waalidka Muslimka ah ku dhalanaya ilbiriqsiga uu guda galo asbaabtii uu ubadkiisu ku calool gali lahaa, oo waxay diinteennu na baraysaa in labada waalid ee Muslimka ah looga baahan yahay in markii ay kulmayaan ay Ilaahay ka magan galaan shaydaanka, oo sidoo kale ay Ilaahay magan galyo uga baryaan ubadka ay rajaynayaan inuu kulankoodaas ku calool galo. Waxayan ku ducaysanayaan (بسم الله. اللهم جنبنا الشيطان، وجنب الشيطان ما رزقتنا). Sidoo kale wuxuu waalidka Mulsimka Ilaahay ka magan galayaa shaydaanka; markii uu ifka yimaado ubadkii markii uu calool galayay lagu xayndaabay magngalyada Ilaahay. Wuxuu Ilaahay ku ammaanay Maryam bintu Cimraan hooyadeed in markii gabadheeda Maryam ay dhalatay ay rabbi uga bariday inuu ka magan galiyo shaydaanka (ayada iyo tafiirteedaba). Maryam hooyadeed waxay tiri: (وإني أعيذها بك وذريتها من الشيطان الرجيم| آل عمران:36).
Halkaas waxaa ku cad marka in gudashada masuuliyada la xiriirta barbaarinta toosan ee ubadka ay bilaabanayso ilbiriqsiga ay labada waalid ee Muslimka ah isu diyaarinayaan inuu ubadkaas calool galo. Waxayna soconaysaa gudashada masuuliyadaas ilaa inta uu ubadkaas hanoqaadayo oo qof isku filan oo madax banaan uu noqonayo.
Barbaarinta toosan ee waalidka Muslimka ah uu siinayo ubadkiisana waxaa tiir u ah sadex arrimood:
1- Tiirka koowaad ee barbaarinta toosan waa barbaarinta dhanka caqiidada oo ayadu ah asaaska ugu muhiimsan ee tarbiyadda ubadka Muslimka ah. Waana in waalidku uu ubadkiisa ku ababiyo Tawxiidka iyo caqiidada Islaamka.
Waa inuu ku dadaalo in ubadkiisa uu baro asaasiyaadka diinta Islaamka ee dhanka caqiidada iyo dhanka camalkaba. Taas macneheedu waa in ubadka la fahansiiyo Tawxiidka ay ku dhisan tahay caqiidada uu haysto ee Islaamka. Waana in sidoo kale la baro sidii uu u gudan lahaa cibaadada iyo shacaa'irta Islaamka (sida Salaada, Soonka, Sakada, iyo Xajka) ayada oo la raacayo hanaan wax-barid oo da'diisa yar munaasib u ah.
2- Tiirka labaad ee barbaarintana waa in ubadka lagu tarbiyeeyo hab dhaqanka toosan ee lagula socdo dadka iyo la dhaqanka saxan ee bulshada. Waa in uu waalidku baro ubadkiisa qiimaha uu dulqaadku u leeyahay xiriirka dadka dhexdooda ah, macnaha ay ku fadhido xiriirinta qaraabada iyo ehelka, wanaaga ay leedahay kasbashada saaxiibada wanaagsan, iyo sidoo kale halista ka imaan karta saaxiibka aan wanaagsanayn. Waa inuu waalidku u diyaariyo ubadkiisa inuu noqdo qof firfircoon oo naftiisa ku kalsoon, islamarkaasna kaalin wanaagsan ka qaadan kara nolosha bulshada uu ka tirsan yahay.
3- Tiirka sadexaad ee barbaarinta toosan waa in ubadka la baro qiimaha maalka iyo ahmiyadda uu u leeyahay nolosha dadka. Waa in ubadka lagu tarbiyeeyo qiimaha shaqada iyo tacabka, iyo sharata ah ay leedahay in qofku uu xoogiisa wax ku tabcado oo noloshiisa uu ku filnaado.
Markii uu waalidku ku guulaysto inuu tarbiyadda ubadkiisa ku saleeyo sadexdaas qodob (asagoo Ilaahay SWT kaashnaya), waxaa u suuragalaysa inuu si wanaagsan u guto masuuliyadii ka saarnayd barbaarinta toosan ee ubadkiisa oo bulshadana uu ku soo biiriyo dad firfircoon oo tayo wanaagsan.
No comments:
Post a Comment