Allaha u naxariistee Abwaan Gaariye ayaa wuxuu yiri:
Abkuu doono ha sheegto
Wuxuun baa ehel ii ah
Dad ninkaan af aqaanee
Si wax iila arkaayee
Na midayso ujeedo
Xikmadaas qiimaha wayn ku fadhida ee Abwaan Gaariye uu ka tagay waxaa inay maanta ka faa'iidaystaan u baahan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhex hanoqaaday ummad ay qabyaalad kala qaybisay. Xikmadaas waxaa inay fahmaan u baahan dhalinyarada maanta la kala safan siyaasiyiin dalka dibadiisa ka yimid oo u jooga dalka inay shilimaad ka aruursadaan ayaga oo sallaan ama jaraanjaro ka dhiganaya qabiil iyo qabyaalad, isla markaasna iska hor keenaya dhalinyaro dalkii ku kortay oo ku hanoqaaday dowlad la'aan, tacliin aan tayo lahayn, daryeel caafimaad oo aan jirin, iyo dhamaan xuquuqdii asaasiga u ahayd qofka banii aadamka ah oo aan waxba la iska waydiinayn.
Siyaasiyiinta iska soo horjeeda oo ay danahooda siyaasadeed iyo masaalixdooda shakhsi ahaaneed is diidan yihiin waxay dagan yihiin hoteello qaali ah, waxay wataan gawaari aysan xabaddu karin, waxaa u buuxa akoonada ay ku leeyihiin bangiyo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ku yaal. Habka ay marka siyaasiyiintaas u xalliyaan khailaafaadkooda ma aha in ayagu ay gacmaha isula tagaan, ee waa inay qori isugu dhiibaan wiilal yaryar oo sabool ah.
shido dalka. Sababtoo ah waxa kaliya ee dalka ka yaal siyaasigaan waa boorso yar oo calallo tiro yar ay ugu jiraan. Wuxuu dalka ugu dhex nool yahay siyaasigaan sida noolaha Parasite-ka ee xanuun-sidaha ah uu ugu dul nool yahay jirka noole kale. Sidaas daraadeed ayaa bay'adda munaasibka u ah baraaraha iyo barwaaqada siyaasigaan ay tahay bulsho kala qaybsan oo dhalinyaradeedii ay qoryo isla hor fadhiyaan.
Wiilka baahan ee saboolka ah ee reer X ka dhashay, cidda ay ehelka yihiin oo ay isku danta yihiin waa wiilka kale ee asna saboolka ah ee ka dhashay ree Y. Waa qadiyadaan midda loo baahan yahay in dhalinyaradu ay ku baraarugaan.
Waxa inay ku mashquulaan loo baahan yahay ma aha: siyaasi hebel yay is hayaan, ama codad intee le'eg buu iibsan karaa. Balse waa inay ku mashquulaan oo iswaydiiyaan: sidee lagu lahaa tacliin, shaqo wanaagsan, dal dhisan oo khayraadkiisii si haboon looga faa'iidaysanayo, daryeel caafimaad, iyo amaan. Sababtoo ah markii su'aal ah la iswaydiiyo ayaa jawaab sax ah la helaa. Siyaasiga nadiifka ah marka la helayana waa markii qadiyado wanaagsan oo nadiif ah lagu mashquulo oo laga fakaro.
No comments:
Post a Comment