Bal muuqaalkaan sawiro: makhaayad baad soo gashay adiga oo baahan. Markii aad fariisatay ayaad u yeertay kabalyeerigii aad cuntada u dirsan lahayd; markaasuu inta kuu yimid ku yiri: raali ahow, wax dalab ah oo aan adiga kaa qaadayo ma jiro! cuntadaada waxaa si dadban kuugu dalbaya ninka kursiga kugu xiga fadhiya, asagaana si dadban u cuni doona, adigana markii uu ninkaas dhargo ayaad lacagta bixinaysaa!
Caqliga ay ku shaqaynayso fikrada doorashada dadban waa isla caqliga kabalyeeriga aan tusaalaha u soo qaadanay. Sababtoo ah qofkii xaqa u lahaa inuu wax doorto ayaa laga tilaabsanayaa oo la dulaalayaa codkiisii, laguna tasarufayaa noloshiisa xaadirka ah iyo mustaqbalkiisiiba. Waxaana codkiisii kala goosanaya labo dhinac oo midna uu yahay kan sida "dadban" wax u dooranaya ee laaluushka qaadanaya (wuxuuna ku jiraa booskii kabalyeeriga), iyo midka sida "dadban" loo dooranayo oo kursigii xildhibaanimada ama kii hogaankaba ku fariisanaya oo kadibna wax ku cunaya magicii qofka dulmn ee asaga oo aanan waxba la waydiin lagu kala dalaalayo codkiisii hanaanka "Doorashada Dadban" oo la oran karo macneheeda dhabta ah waa "Tuugnimo Dadban". Sababtoo ah kalmada "Doorasho" waxay ka tarjumaysaa rabitaan xor ah oo ay weheliyaan xilkasnimo iyo madax banaani qofka wax dooranaya xaq u siinaysa in uu asagu noqdo qofka dooranaya cidii matali lahayd oo magaciisa xil iyo masuuliyad ku qaban lahayd. Sababta uu cidaas u dooranayana waa inay asaga danihiisa u adeegto, mana aha in ay asaga magaciisa ku adeegato oo wax ku cunto. Doorasho toos ah meel aysan ka jirin marka, wax doorasho ah oo gabi ahaanba ka jira ma leh!
Sidaas daraadeed ayay waajib tahay in mujtamaca uu ku baraarugo oo ka dhiidhiyo tuugnimadaan lagula kacayay sanadaha badan ee magaca looga dhigay: "Doorasho Dadban". Waxaana loo baahan yahay in qof walba oo Soomaali ah uu difaaco xaqa asaasiga ah ee uu u leeyahay inuu asagu doorto cidii matali lahayd.
Siyaasi walba oo raadinaya kursiga xildhibaanimo ee beel Soomaaliyeed ay leedahay, waa inuu iska xaadiriyo deegaanka beesha kurisgaas iska leh, oo uu helo codka iyo kalsoonida qof walba oo beeshaas ka mid ah oo goobta wax lagu dooranayo xaadir ku ah. Rag iyo dumar, waayeel iyo dhalinyaro, hodan iyo sabool, dhamaan qaybaha kala duwan ee beeshaas waa inay si xor ah codkooda u dhiibtaan oo ay u codeeyaan qofkii magacooda ku fariisan lahaa kursiga ay beeshooda ku leedahay baarlamaanka Federaalka ama kan Maamul-goboleedka. Dhamaan siyaasiyiinta u tartaymaya kursiga baarlamaanka ee beeshaas waa inay horteeda yimaadaan oo mashruuca siyaasadeed ee ay wadaan ay soo hor dhigaan, oo ka hadlaan waxa ay ka qaban doonaan horumarinta dhaqaalaha, caafimaadka, amaanka, wax barashada iyo guud ahaan nolosha beeshaas, islamarkaasna ay himilooda qaran iyo dalka guud ahaan mashruuca ay u wadaana ay soo bandhigaan. Waana in markaas kadib la doorto siyaasiga ugu mashruuca fiican, oo waliba markii uu baarlamaanka ku galo cod beeshaasna lagala xisaabtamo waxa uu ka qabtay arrimihii loo doortay oo codka lagu siiyay.
In sidaas loo maamulo codka beel walbana wax adag ma aha, sababtoo ah beel walba dadkeeda waa u tirsan yihiin, qof walba oo ayada ka dhashayna waa ay taqaan oo ma qarsoomi karo. Ma aha marka wax u baahan kaarar la gooyo, iyo mishiino codka lagu tiriyo iyo gudiyaal loo saaro midna. Waa howl ay beel walba si fudud oo hufan u qabsan karto ayada oo la raacayo dhowrka tilaabo oo hoos ka muuqda¹:
1- Kulan guud oo isbarasho ah oo lagu qabanayo magaalada deegaan ahaan ugu wayn dhulka ay beeshaas dagto oo dadkeeda inta ugu badanna ay joogaan. Kulankaan waxaa hortiisa ka hadlaya dhamaan siyaasiyiinta u sharaxan kursiga xildhibaanimada ee beeshaas. Kulankaas gabagabdiisana waa in la isla go'aamiyo goobtii iyo wakhtigii doorashada la qaban lahaa.
2- Kulan guud oo labaad oo looga soo qayb galayo in qof walba oo awooda uu codkiisa ku dhiibto oo murashixii uu ku qanacsan yahay mashruuciisa siyaasadeed uu ugu codeeyo. Isla goobta ay codaynta ka dhacdayna waa in lagu tiriyo codadka oo laga sheego natiijada.
3- Kulan sadexaad oo lagu saxo wixii khaladaad ah oo dhanka doorshada ah, laguna dhagaysto murashixii dacwad ama dood ka qaba natiijadii codaynta.
Intaas kadibna in beeshaas ay go'aanka doorshadeeda iyo qofka ay dooratayba u gudbiso cidii ay khusayso (Maamul-goboleed ama Federaal mid ay tahayba).
Dhamaan tilaabooyinkaas waa howl ay beel walba si madax banaan u qabasan karto ayadoo Maamul-goboleed iyo xukuumada Federaal ah midna aysan soo farogalin.
Dhalinyarada dalka (gaar ahaanna kuwa iskuulada sare iyo jaamacadaha dhigta, wiilal iyo gabdhaba) ayaa looga fadhiyaa marka inay soo af jaraan hanaanka Tuugnimada Dadban.
Waa inay u ololeeyaan dhaqan galinta fikrada Doorahada Tooska ah ee muwaadin walba xaqiisa iyo karaamadiisaba lagu ilaalin karo. Sababtoo ah dhalinyarada waa muruqii dhaqaajin lahaa isbadal walba oo lagu toosin karo wixii ka khaldan dalka. Sidoo kale waa dadkii ay mustaqbalkooda sida tooska ah u saamaynaysay siyaasada khaldan ee dalka ka jirta hada.
_________________________________
¹. Ayada oo meesha ay ku jirto inaysanba haboonayn in hanaan siyaasadeed qabiil lagu dul dhiso, ayaa hadana waaqica maanta Soomaaliya ka jira uu gabi ahaantiisaba qabiilkii gacanta ugu jira. Hadii marka ay khasab tahay in hanaan qabiil ku dhisan uu taliyo, bal ugu yaraan asagii laftirkiisa wax si saxan u shaqayn kara ha laga dhigo.
No comments:
Post a Comment