Tuesday, May 19, 2020

Xeerka Cusub ee Doorashooyinka: Tillaabo Wanaagsan oo aan Daldaloollo ka Marnayn

Xeerka doorashooyinka ee heerka Federaal ah oo gudiga madaxa bananaan ee doorashooyinka qaranka uu diyaariyay, waa tillaabo wanaagsan oo dalku uu horay u qaaday oo lagu dul dhisi karo tillaabooyinka kale oo mustaqbalka  yimaada oo isla qadiyada doorashooyinka hagaya.

Arrinta ugu wanaagsan oo uguna muhiimsan oo xeerkaan uu soo kordhiyayna waa ansixinta doorashada qofka iyo codka ah oo meesha ka saaraysa in dad kooban oo madax dhaqameedyo iyo kaabo qabiillo ah loo daayo doorashadii xildhibaanada. Arrintaan ayaana dowr fiican ka qaadanaysa yaraynta musuqmaasuqidda cododka iyo in kuraasta xildhibaannimada la iibsadao inta dhowr oday la laaluusho.
Hadana sidaas oo ay tahay xeerkaan kama uu marna daldaloollo ay tahay in laga hadlo oo ugu yaraan in ay jiraan farta lagu fiiqo. Arrimaha hoos ku xusan ayaana ugu waawayn daldaloollada ka muuqda xeerkaan: 

1- doorashada qofka iyo codka ah wuxuu xeerkaan ku koobay doorashada
xildhibaanada, oo wali doorashadii madaxwaynaha waxaa iska leh xildhibaanada baarlamaanka. Muwaadiniintuna sida ay xaqa ugu leeyihiin in ay xildhibaanadooda doorasho qof iyo cod ah ugu doortaan oo kale ay xaq ugu leeyihiin in ay madaxwaynaha dalkana doorasho qof iyo cod ah ugu doortaan. Waa dalool xeerka doorashooyinka ku jira marka in doorashadii madaxwaynaha lagu aamino dad tiro ahaan kooban sida xildhibaanada oo hadana caan ku ah in codadkooda lacag siistaan. 

2- xeerkaan waxba kama uusan qabanin mushkilada asaaska u ah mashaakilka

doorashooyinka Soomaliya oo ah laaluushka iyo iibsashada codadka. Ma uusan sheegin wax ciqaab ah oo ka dhalanaysa iibshada codadka (sida in kursigiisa uu waayo ama waxba kama jiraan laga soo qaado doorashada xildhibaankii ay ku cadaato in inuu laaluush ku helay codadkii lagu doortay asaga, iyo in asaga laftirkiisa uu codkiisa lacag siistay asaga oo madaxwayne dooranaya ama mooshin u codaynaya).
Ciqaabta noocaan ah wax badan ayay ka badali lahayd dhaqanka xun ee ah iibsiga iyo iibsashada codadka.  Waxayna u eg tahay in arrintaan marka si ula kac ah looga tagay oo indhaha layska tiray. Waxaana lagu gaabsaday in la yiraahdo: cidna laguma khasbi karo inay doorato cid aan ikhtiyaarkeeda ahayn! Run ahaantiina waa iska cadahay in Soomaliya cidna aysan cid kale ku khasbayn inay doorato, oo laaluush uu yahay waxa doorashooyinka lagu socodsiiyo. Marka xeerka doorashooyinka dhankaan nuqsaan wayn ayaa uga jirta.

3- xeerka doorashooyinka wuxuu sheegayaa in hanaanka xukunka Soomaaaliya uu yahay "Baarlamaani", hadana wuxuu leeyahay waxaa madaxwaynaha dooranaya xubnaha baarlamaanka, kadibna madaxwaynaha ayaa raysalwasaaraha ka xulanaya xisbiga baarlamaanka aqlabaiyada ku leh. Isma qabanayso arrintaan oo qaabkaan ma aha qaabka ay u shaqeeyaan dowladaha uu systemkoodu yahay baarlamaaniga sida dalka ingiriiska iyo dalalka la midka ab oo xisbiga cododka ugu badan hela asaga ayaa iska soo dhex saara raysalwasaaraha (gaar ahaanna madaxa xisbiga ayaa inta badan raysalwasaaraha noqda) kadibna madaxwaynaha ama boqorka ayaa ka dalbada raysalwasaaraha inuu xukuumad soo dhiso. Hanaanka xukunka Soomaaliya marka mid Madaxwayne iyo mid baarlamaan midna ma aha, wuxuuna u qaab dhow yahay hanaankii uu xisbiga TPLF ka dhisay Itoobiya. Inkasta oo baarlaamnka Itoobiya uu yahay midka doorta madaxwaynaha, hadana  Waxaa jirta in madaxwaynaha Itoobiya mansabkiisu uu yahay mid iska baratakooli ah oo aan lahayn awood fulineed sida madaxwaynaha Soomaaliya. Mansabkaan madaxwaynaha baratakooliga ah ee baarlamaanku uu dooranayo waxaa sidoo kale lahaan jiray dalka Turkiga (markii uu hanaankiisa xukunka baarlamaaniga ahaan jiray) oo raysalwasaaraha uu ahaa midka awooda dhabta ah iska leh. Laakiin markii Turkidu ay u wareegeen  hanaanka ri'aasiga ah, waxay noqotay doorashadii madaxwaynaha mid guud oo shacabku ay si toos u dooranayaan madaxwaynaha.
Sidaas daraadeed ayaa loo baahan yahay in la saxo hanaanka xukunka Soomaaliya oo dalku uu si dhab ah u qaato hanaan xukun oo baarlamaani ah oo leh raysalwasaare xoog leh iyo madaxwayne awood yar, ama nadaam Ri'aasi ah oo madaxwaynuhu uu asagu soo dhiso xukuumada (si isqabqabsiga madaxwaynaha iyo raysalwasaaraha looga gudbo, sida hanaanka xukunka ee Turkiga). Ama sidoo kale hanaan ri'aasi ah oo leh raysal wasaare iyo madaxwayne (llaakiin ay ay si wanaagsan u kala qeexan yihiin awooda madaxwaynaha iyo tan raysalwasaaraha).

4- waxaa xeerka ka dhex muuqda daldaloollo dhanka Awlawiyaatka ama Priority-ga ah, waana xaalad guud oo haysata hanaanka siyaasadeed ee dalka ka jira oo xoogga saaraya waxyaabo shakliyaad iyo muuqaalka un ah sida saami-qaybsi iyo kooto. Mushkilada Soomaaliya haysatana waa hanaankii saxda ahaa ee mu'asasaatka (ama hay'aadka dowlada) oo maqan ee ma aha mid kooto la xiriirta. Soomaaliya meesha laga haysto waa maamul xumo iyo dhaqankii mu'asasada ama (Institutionalism) oo aan jirin oo wasaarad walba, waax walba, iyo xafiis walbaba qofka fadhiya ayaa iska leh (ilaa laga eryo). Mushkiladaan marka kuma saxmayso kootooyin iyo saami qaybsi. Sababtoo ah qof walba oo soo gala maamul hay'adiisu ay si khaldan u shaqeynayaan wuxuu ku khasban yahay inuu maamulkaas khaldan qayb ka noqdo oo asaga laftirkiisu uu mushkiladii qayb ka mid ah noqdo. Hadii ay hay'adihii maamulka ee dalka yihiin kuwo daciif ah oo sharci awood leh uusan jirin, cid xuquuqdeeda ay dhowrsanaanayso ma jirto, xataa hadii muuqaal ahaan wax la kooteeyo oo la sheegsheego saami-qaybsi iyo kooto iyo isku dheellitirid iwm.
Waxa ay wax ku saxmayaan waa isla xisaabtan iyo xeerar ciqaabeed dhaqan gal ah oo laga soo saaro musuqmaasuqa iyo ku tagrifalka awooda xafiiska iyo hantida guud. Dad laga tiro badan yahay iyo dumar iyo curyaan intaba waxaa xuquuqdooda la ilaalin karaa markii la abuuro dowlad mu'asasaadkeedu ay xoog leeyihiin oo dhaqan isla xisaabtanna uu ka jiro.
Wax macne ah ma samaynayso marka in dadkii xeerkaan dajiyay ay ku celceliyaan: "waa in la ilaaliyo saamigii haweenka" iyo hadallo la mid ah. Qodobkaan saamiga iyo qodobada la midka ahna wuxuu cadayn u yahay in dalka uu ku hoos jiro maamulka dadban ee "beesha caalamka" oo ajandayaal ayada u gaar ah ka wada dalka.

No comments:

Post a Comment