Friday, May 8, 2020

Hal Kaligii-taliye Iyo Labaatan Kaligii-taliye Keebaa Roon?

Markii ay jabhadihii hubaysnaa u qalab qaateen riditaanka dowladii kacaanka, ayaga oo taageero ka haysta qabaa'ilkoodii, waxaa lagu sababeeyay kacdoonkaas inuu yahay mid looga soo horjeedo labo arrimood:
1- kaligii-talisnimo.
2-iyo qabyaalad

Hadii dowladii kacaanka sababtii lagu riday ay ahayd kaligii-talisnimo, waxaa maanta dalka ka jira maamullo tiro badan oo mid walba oo ka mid ah uu hogaaminayo kaligii-taliye aan ogolayn inuu cidna talo la wadaago oo qofkii ay fikrad isku qabtaanna xabsi u taxaabaya, shaqada ka eryaya, ama tacadiyo kale u gaysanaya. Sidoo kale maamul walba oo maanta dalka ka jira wuxuu ku dhisan yahay qabyaalad wax badan ka foolxun oo ka qaab daran tii dowladii kacaanka lagu eedayn jiray.
Dowladii kacaanka ayada oo kaligii-talisnimo iyo qabyaaladba ku sifaysan ayay hadana ahayd dowlad haybad qarannimo leh oo umadu ku asturan tahay. Maamullada dalka ka jira maanta, ayaga oo ka qabyaalad badan dowladii kacaanka, oo kana amar-ku-taaglayn badan, ayay hadana awood ahaan liitaan oo dal iyo dad midna aysan difaaci karin. Maxaa dalka iyo dadka u hagaagay marka oo laga dhaxlay riditaankii dowladii kacaanka? Jawaabtu waa: WAXBA!!!

Sodon sano oo burbur ah kadib in askari aan disibliin ciidannimo oo sax ah  lahayn uu qori kula qamaamo dadka rayidka ah, in maamullada tirada badan ee dalka ka jira (heer Fedaraal iyo heer gobolba) oo bulshada adeegii ay u baahnayd aan u hayn ay marna boobaan hantida guud ee dadka dan yarta ah canshuur ahaanta looga soo aruuriyay, marna magaca dadkaas ayada oo lagu dawarsanayo hay'adaha wixii laga soo qaado jeebabka lagu shubto; ayada oo intaas ay dheer tahay dabo-dhilifnimo (ay maamul-goboleedyada iyo siyaasiyiinta dalka qaarkood) la hoos ordayaan dowlado la yaqaan cadaawada gaamuurtay oo ay Soomaalida u qabaan; intaas oo foolxumo ah hadii aysan bulshada Soomaaliyeed maanta ka hadlin, oo wax-gardkeedu uusan ka danqanin, goormaa laga hadli doonaa? Goormaa la sixi doonaa cilladaha waawayn ee dhanka siyaasadda iyo maamulka ee dalka ka jira? Yaase sixi doona waxyaabahaas?!

Fikrada khaldan oo in badan oo shacabka ka mid ah ay dowladnimada ka haystaan ayaa waxay tahay in dowladu ay shacabka noloshiisa iyo mustaqabalkiisaba hagaajin doonto, oo wixii ka khaldan oo dhan ay ayadu sixi doonto. Laakiin su'aasha dadkaas aysan iswaydiin ayaa waxay tahay: goormay dowladu wax hagaajin kartaa?
Dowladu waxay wax hagaajin kartaa markii uu shacabku hagaajiyo sida uu wax u dooranayo, iyo dadka uu xilalka u dhiibanayo. Markii shacabku uu wax ku doorto: yaa howl kar ah oo masuuliyad qaadi kara? Yaa dalka uga faa'iidayn kara khayraadkiisa dabeeciga ee beeraha, kalluunka & luulka badda ku jira, gaaska dabeeciga ah iyo shidaalka dhulka iyo badda hoosteeda ku jira? Yaa iskuullo, jaamacado, isbitaallo iyo wadooyin dalka isku xira dhisi kara? Yaa si cadaalad iyo qaanuun ku dhisan ku wanaajin kara heerka noloshaada iyo nolosha caruurtaada? Yaad ka heli kartaa adeegyadii dowlad looga baahnaa, adigoo oo aan ku khsabanayn inaad qaraabonimo iyo qabiil wax uga doonato? Yaa qarannimadii dalka si buuxda u soo celin kara? Yaa howlahaas oo dhan si hufan oo amaano leh u qaban kara?

Su'aalahaas markii ay noqdaan kuwa asaaska u ah doorashada dadka xilalka loo dhiibanayo ayaa waxaa hagaagaya sida uu shacabku wax u dooranayo. Su'aalahaas ninkii lagu soo doortay ama xilka loogu dhiibtay markii uu howshii loo xilsaaray qaban waayana waxaa imaanaysa in ninkaas la iska fogeeyo oo cid kale oo howshii loo baahnaa qaban karta loo dhibto xilka. Sidaan markii uu xaalku noqdana waxaa hubaal ah in la heli doono dowladnimo ay wax ku hagaagaan oo lagu tanaado.

No comments:

Post a Comment