Sunday, September 2, 2018

Aan Cunno Iyo Aan Dhisno

Waxaa la oran karaa qoraalkaan wuxuu kabayaa qoraal hada ka hor aan halkaan ku soo bandhignay oo cinwaankiisu ahaa "Maxaa Hortaagan in Soomaaliya ay ka Hanaqaado Dowlad Awood Leh?". Qoraalkaas hore wuxuu su'aashaas  cinwaanka u ah ka jawaabay asaga oo sadex dhinac wax ka fiirinaya: 1- dhinaca siyaasiga ay maanta taladu gacantiisa ku jirto (gaar ahaan hogaamiyeyaasha maamul-goboleedyada) iyo qabiilka uu siyaasigaasi matalo. 2- farogalin shisheeye oo ka faa'iidaysanaysa damaca  siyaagaas iyo qabiilkiisa. 3- tayo-la'aan dhanka maamulka ah oo ay sabab u tahay aqoon yari.

Qoraalkaan cusub marka wuxuu sadexda qodob oo qoraalkii hore uu ka hadlay raacinayaa qodob afraad oo ah: hab-fikirka ama caqliyadda ay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed doonayso inay dowladnimadeedii ku soo ceshato oo ah
caqliyad aan kuba baraarugsanayn ahmiyadda maamul-wanaagga.
Caqliyada ay wakhtiga xaadirka ah Soomaalidu doonayso inay qarannimadeedii ku soo ceshato waa mid dowladnimada ula dhaqmaysa sidii cad hilib ah oo dabka saaran oo ay tahay in la qaybsado. Waana caqliyada ay ku qotonto fikrada saami-qaybsiga iyo 4.5. Sidaas daraadeed ayuu qabiil walba wuxuu dhankii dowlada soo aadayaa asaga oo maskaxdiisa ay ka guuxayso sidii uu cantuugo wayn uga heli lahaa cadkaas hilibka ah. Waa caqliyad ah "aan cunno", oo wax dareen masuuliyadeed ah aan lahayn. Sidaas daraadeed ayuusan siyaasiga Soomaaliga ah  dhib u arkayn inuu laaluush ka soo qaato dowlad ajnabi ah oo markii arrintaas wax laga waydiinaya uu af-labadiis qayliyo asagoo leh: "WAA QARAABANAYNAA!".

Caqliyadda noocaas ah marka dowladnimo iyo qaran midna kuma dhismaan. Sababtoo ah waa caqliyad qofka ay hagayso wax asaga gala mooyee aysan waxba ka soo baxayn. Sidoo kale waa caqliyad aan lahayn masuuliyad iyo isla xisaabtan toona. Sababtoo ah marka falsafada lagu shaqaynayo ay tahay "aan cunno", ma jiri karo hannaan la iskula xisaabtamo oo lala tiigsan karo cid waajib qarannimo ka gaabisay iyo cid wax aysan xaq u lahayn luntsatayba. Sababtoo ah falsafada lagu shaqaynayo ayaa sidaas ogol, oo ninka wax cuna asagaaba ah ninka sida saxan u meelmerinaya caqliyada ku dhisan "aan cunno". Sidoo kale, caqliyadaan ayadoo lagu shaqaynayo qofka loo dhiibo xil dowladeed, loogama baahna aqoon iyo karti midna, waxaase looga baahan yahay inuu wax cuni karo. 

Sidaas daraadeed ayay lagama maarmaan tahay in laga guuro caqliyada noocaas ah oo halkii loola dhaqmi lahaa dowladnimada sidii cad hilib ah oo dabka saaran, in loola dhaqmo sidii guri in la dhiso u baahan. Halkii la oran lahaa "aan cunno", in la yiraahdo "aan dhisno" oo sidaas lagu howl galo. Sababtoo ah caqliyada ku salaysan "aan dhisno" waxaa ku lamaan dareen masuuliyadeed iyo in howl walba oo dhismaha gurigaas ka mid ah loo dhiibo cid aqoon u leh, si loo dhiso guri la isku aamini karo oo aan laga caqbsi qabin inuu habeenbarkii ayadoo la dhex hurdo soo dumo, islamarkaasna qurxoon oo dariska iyo dadyowga kaleba loogu faani karo quruxdiisa. Sidoo kale caqliyada ah "aan dhisno", waxay wadataa isla-xisaabtan iyo in nin walba howshii loo diray lagala xisaabtamo. Maxaa yeelay cidna ma dhayalsato in gurigii ay hoyga ka dhigan lahayd lagu tagrifalo oo la kala khiyaano lacagtii lagu dhisi lahaa, ama farsamadiisii la xumeeyo.

Bulshada Soomaaliyeed marka caqliyadda ay u baahan tahay inay qarannimadeedii ku soo celiso waa midaan oranaysa: "aan dhisno". Si looga guuro "aan cunno" oo loo gaaro "aan dhisno" waxaa loo baahan yahay in la dajiyo qorshe heer qaran ah oo looga danleeyahay in jiilka da'da yar ee maanta waxbarashada ku jira la baro oo madaarista iyo iskuulladaba loo dhigo maado gaar u ah qiimaha wadaniyadda iyo dal-jacaylka, kala dambaynta, isu-xilqaamidda danta guud, iskaashiga iyo wada shaqaynta iyo waliba dhaqan wanaagga. Si tarbiyada cusub ee jiilkaas da'da yar la siinayo ay u noqoto mid miro-dhal ahna waa in wakhtiga xaadirka ahba la lasii billaabo la dagaallanka musuqmaasuqa, si aysan isu khilaafin tarbiyada ay ardaydu ku qaadanayaan goobta waxbarashada iyo waaqica dhabta ah ee ka jira dalka.  Middaan  ayaa bilow wanaagsan u ah bulsho cusub oo ka caafimaad qabta caqliyaddii markii hore dumisay Soomaaliya, maantana u diiddan inay dib u soo noqoto.

No comments:

Post a Comment