Monday, August 6, 2018

Abiy Axmad: Hogaamiye u Yimid Aargoosi

Abiy Axmad: Nacayb Dhoollacadayn Huwan

Sida aan ku falanqaynay maqaal aan bogaan 16kii Juun ee sanadkaan uga hadalnay isbaddallada siyaasadeed ee ka socda Itoobiya iyo dhinaca la sawiran karo in Abiy Axmad uu Itoobiya u jihayn doono, waxaan maqaalkaas gudihiisa ku soo qaadanay sadex qaab oo mid walba oo ka mid ah la filan karo inuu noqdo wadada uu Abiy Axmad ku hogaamin doono Itoobiya¹.

Waxaan maqaalkaas gudihiisa ku falanqaynay sadex arrimood oo miisaan u noqon kara sida uu ninkaan wax u hogaamin doono. Sadexdaas arrimood oo aan wax ku miisaannay waxaa ka mid ahaa: in Abiy Axmad dhalasho ahaan ay labadiisa waalid ka soo jeedaan labada qowmiyadood ee waday kacdoonnadii sababta u ahaa in talada dalkaas uu qabto Abiy Axmad. Sidaas daraadeed in la sawiran karo in ninkaan xukunkiisa ay si gaar ah uga faa'iidaysan doonaan labadaas qomwiyadood oo markaa ay dowlada Itoobiya u afduubnaan doonto Oromada iyo Amxaarada.

Markii la qiimeeyo marka ilaa maanta tilaabooyinka uu qaaday Abiy Axmad, waxaa muuqata in dhinaca uu Itoobiya u jihaynayo uu yahay dhanka eex iyo sadbursi ay darajada koowaad cida ka faa'iidaysanaysa tahay Oromada iyo Amxaarada ay hada xulafada yihiin. Waxaa muuqata inuu Abiy Axmad wado dadaal xoog leh oo uu uga takhallusayo hanaankii maamulka ee Itoobiya ka soo jiray 1991kii ilaa 2018 oo ah marka uu asagu xilka qabtay. Wuxuu wadaa isbadal xoog leh oo qowmiyadii Tigreega uu kaga sifaynayo jagooyinkii muhiimka ahaa ee ay dowlada Itoobiya u hayeen; ha ahaadeen jagooyin siyaasi ah, ama kuwo dhaqaale oo shirkadaha waawayn ee dowladaas la xiriira, ama jagooyin militari oo ciidanka iyo sirdoonka dalkaas xiriir la leh. Wuxuu sidaas yeelayaa asaga oo ay hagayso aragti qabyaaladaysan oo ay ku garab taagan tahay qowmiyadiisa Oromada oo waxgaradkeedii iyo aqoonyahankeediiba ay u sabcinayaan Abiy Axmad ayaga oo adeegsanaya warbaahin abaabulan oo aad isugu xiran. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa maqaalaadka iyo hadallada ay warbaahinta ka sii daynayaan shakhsiyaad ka mid ah aqoonyahanadaas Oromada sida Muxammad Aademo (Mohamed Ademo), Awol Allo iyo Jawaar Muxammad (Jawar Mohamed). Ayada oo shakhsiyaadkaan ay wadaan baroobagaando ku wajahan ra'yul caamka Itoobiya oo dhinacna si kabadbadis ah u u amaanaysa Abiy Axmad iyo hanaanka cusub ee maamulkiisa, dhanka kalena cambaarayn iyo handadaad kala hortagaysa ra'yi walba oo mucaarad ku ah siyaasadaha cusub ee Abiy Axmad. Asaga oo marka boorka iyo siigada baroobagaandadaas isku qarinaya oo hay'adihii dowlada Itoobiya oo dhanna adeegsanaya ayuu Abiy Axmad fulinayaa istiraatiijiyad aargoosi ku dhisan oo cida uu ugu danaynayo ay tahay qowmiyadiisa Oromada. Cida ugu horraysa ee aargoosigaas uu ku wajahan yahayna waa Tigreegii uu kala wareegay taladii dowladaas. Asaga oo wali cabsi ka qaba inay soo rogaalceliyaan oo kala daadiyaan qosrahaha ay Oromadu ka damcsan tahay Itoobiya.

Dhanka kale, waxaa muuqata inay Tigeergu si fiican u fahansan yihiin siyaasadaha Abiy Axmad, islamarkaasna ay ku jiraan tabaabushaysi iyo diyaargarow. Waxaana muuqata in tilaabadii uu Abiy Axmad ciidamada ugu diray caasimada maamul-gobleedka Soomaalida ee Jigjiga iyo waliba jawaabtii adkayd ee madaxwaynaha maamulkaas (oo saaxiib dhow la ah Tigreega) uu ka soo celiyay tillaabadaas iyo iskahor-imaadkii halkaas ku dhex maray ciidamada gobolkaas iyo ciidanka federaalka ee Itoobiya inay hordhac u tahay iskahor-imaadyo hubaysan oo dhex mari doona Tigreega iyo maamulka cusub ee Oromada. Afhayeenka maamul-goboleedka Oromada (Dr. Negeri Lencho) ayaana bartiisa Faysbuuga soo dhigay hadal cadaynaya in howlgalka ka socda Jigjiga uu yahay mid loogu talogalay inay ku cibro qaataan kuwa ku nool dhulka Buuraladeyda ah ee Itoobiya, waana handadaad dadban oo ku socota gobolka ismaamulka Tigreega.
Sababta ka dambaysa in iskahor-imaadka Abiy Axmad iyo Tigreega uu ka bilowdo Jigjiga waa ayada oo dhinacna uu maamulka Abiy Axmad ka aaminsan yahay in gobolkaas uu yahay halka uu awoodiisa ku soo bandhigi karo oo looma ooyaan ay yihiin Soomaalida gobolka. Sidoo kale inay Oromadu isku fidiso gobolka ayada oo huwan magaca ciidanka federaalka Itoobiya. Dhinaca kale, Tigreegu ayaguna  waxay aaminsan yihiin inuu gobolkaas gacanta ugu jiro nin ayaga daacad u ah oo la safan, islamarkaasna inay gobolkooda oo u nabad qaba ay gobolka Soomaalida dhexdiisa ka bilaabi karaan qulqulatooyin ay ku wiiqaan awooda Abiy Axmad. 

Gobolka Soomaalida ee Itoobiya ay Xukunto:

Ayada oo arrimahaas aan kor ku soo xusnay la qiimaynayo, ayay lama huraan tahay in shacabka gobolka Soomaaliyeed ee Itoobiya ay xukunto ay si saxan oo caqlaani ah u darsaan xaalada maanta ay ku sugan tahay Itoobiya, ayaga oo dantooda gaarka ah fiirsanaya. Sababtoo ah hadii aysan ayagu danaysan oo masaalixdooda aysan si saxan uga tashan, ma jirto cid u danaynaysa oo wanaagooda ka shaqaynaysa. Sidaas daraadeed baa loo baahan yahay inay ka fakaraan oo ka tashadaan sidii ay maraxaladaan cusub ee Itoobiya ay gashay ay uga samatabixi lahaayeen, oo u kasban lahaayeen manaafic siyaasadeed oo cusub, ama xorriyad iyo madaxbanaani buuxda. Waxayna midaas ku gaari karaan inay si saxan oo caqli ku dhisan uga faa'iidaystaan khilaafaadka iyo nacaybka dhex yaalla Oromada iyo Tigreega.
Waxay Soomaalida gobolkaas u baahan tahay inay dhowr arrimood ku tilaabsato:

1- Ayada ka qowmiyad ahaan wixii khilaafaad dhex yaallay intay meel iska dhigto, oo hal cod iyo hal istiraatiijiyad oo midaysan ay yeelato. Sababtoo ah qowmiyad ayadiiba kala daadsan sinnaba wax ulama qaysban karto qowmiyado kale oo ayaga oo midaysan wax qabsanaya.
2- Madaxwaynaha maamulka soomaalida si walba oo ay soomaalidu wax ugu tabanaysayba, wakhtiga xaadirka ah ma ahan wakhti ku haboon in xilka laga qaado ama maamulkiisa la dumiyo. Sababtoo ah ninkaan iyo kooxda ku hararaysanba waa dadkii siyaasada Itoobiya ku soo dhex jiray oo in badan oo xogteedii ahna haya. In marka ay Oromadu isaga dhigo Soomaalida dad ninkaas ka xoraynaya ma ahan. Oromadu waxay u baahan tahay maamul cusub oo indhoxiran oo ayadu ay fariisisay kursiga uu hada ninkaas ku fahdiyo si uu Oromada oo kaliya ugu adeego.
Ninkaan iyo taliskiisa xogta ay siyaasada Itoobiya ka hayaan waxay dowr fiican ka qaadan kartaa inay Soomalida gobolkaas fahanto sharqoollada ay maleegayaan kooxda uu hor socdo Abiy Axmad iyo sidoo kale fitnooyinka ay Tigreegu wadaan. Markii macluumaad saxan ah la hayo, ayaa go'aan saxanna la qaadan karaa. Sababta ay Oromadu ugu qamaamayso riditaanka Cabdi Ileyna waa ayaga oo dareensan in asaga iyo xubnaha maamulkiisaba ay xog badan hayaan, sidaas darteed ayay marka doonayaan inay keenaan maamul cusub oo ayaga kaliya u hogaansan.

3- Soomaalida gobolkaas waa inay yeelato saxaafad si wanaagsan isugu xiran oo Itoobiya gudeheeda iyo dibadeedaba si isku mid ah ugu adeegta danaha gobolkaas oo ra'yul caamka Itoobiya iyo kan caalamkaba u bandhigi karta qadiyadaha gobolkaas. 
4- Ugu dambaynna waa inay Soomaalida gobolkaas ogaato in isbahaysiga Oromada iyo Amxaarada ee hada maamulka wada haysta uusan sii raagi doonin, sababtoo ah isku ajande iyo fikrad ma ahan Oromada iyo Amxaarada oo Amxaaradu waxay doonaysaa Itoobiya aan maamul-goboleedyo lahayn, halka aysan Oromadu fikradaas Amxaarada ogolayn. Sidoo kale Oromadu wax badan ayay ka tirsanaysaa Amxaarada oo taariikh ahaan inay dhib badan u gaysteen ayay ka tirsanayaan. Sidaas daraadeed ayaa la sawiran karaa inuu isxulafaysigoodu dhamaan doono mar aan fogayn. Sidoo kale, Oramadu waa ummad ayada oo waligeed gumaysi ku soo jirtay hal mar si kadis ah ay gacantooda ku soo gashay talada dowlad kala qowmiyado iyo diimo ah. Umana kala cada Oromada waxa ay doonayaan waxa ay yihiin; ma inay aarsadaan oo ciil baxaan, mise inay saxaan waxyaabaha Itoobiya ka khaldan oo si ilbaxnimo leh iyo cadaalad ay dowladaas ku maamulaan. Waaqica jirana wuxuu yahay in fikrada kaliya ee Oromadu ay ka haysato xukunka inuu yahay gumaysi iyo ismuquunin oo kaliya. Maxaa yeelay waa hanaanka ayaga lagu soo tarbiyeeyay oo waligood ay ku hoos noolaayeen oo halka ay soomaalidu fursada u heshay inay dowlad madaxbanan yeelato, Oramadu waligeed maysan helin midaas; sidaas daraadeed ayay u badan tahay iny ku dhacaan khaladaad waawayn oo Itoobiya aysan waligeed dib uga soo kabinin. Waa inay marka Soomaalidu ka faa'iidaysato khaladaadkaas oo danahooda gaarka ah ee qowmiyadeed ay u adeegsadaan, waxna ka bartaan.
________________________
1- Maqaalkaas hore oo aan bilowga qoraalkaan uga hadalnay waxaad ka akhrisan kartaa Halkaan

No comments:

Post a Comment