Saturday, October 27, 2018

Shuruudaha Horumarka Soomaaliya

Horumarka Soomaaliya markii laga hadlayo, waxaa laga hadlayaa sidii dhanka bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasaddaba uu dalku uga horumari lahaa. Waana Sadexda tiir oo horumar walba uu ku taagan yahay.

Soomaaliya gudeheeda, maanta sadexdaas tiir waxay isugu jiraan mid dhulka
yaalla oo aan taagnayn sida dhaqaalaha, iyo mid liicsan oo aan toosnayn sida bulshada iyo siyaasada (ayada oo la dareemayo in liicitaanka uu ku sii badan yahay dhanka bulshada). Sida aan ku soo qaadannay maqaal hore oo cinwaankiisu ahaa: Sidee ku Horumaraan Umaduhu? waxaa horumar walba laf dhabar u ah sadex arrimood oo loo baahan yahay in ay si sax ah isula falgalaan. Sadexdaas arrimood waa: dadka, dhulka iyo wakhtiga. In sadexdaas arrimood ay si saxan isula falgalaan oo dadka, dhulka iyo wakhtiguba ay noqdaan kuwo faa'iido leh oo horumar keeni kara, waxaa asaas u ah in ugu horraynba la helo bulsho baraarugsan oo og wax ka maqan iyo sidii ay isaga kaashan lahayd helitaanka waxaas ka maqan. Bulshada Soomaaliyeed maanta siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba aad bay daciif u tahay. Dhankii siyaasada waa ayadaas wali hal dhinac isu raaci la' oo kala qaybsan. Waxaa intaas u sii dheer musuqmaasuq iyo maamul xumo. Dhankii dhaqaalaha asna waxaa ka taagan shaqo la'aan, wax-soo-saar la'aan, ayada oo intaas ay sii dheer tahay in wixii adeeg ahaa oo bulashadu ay u baahnayd ay tayadoodii hoosayso (ha ahaadeen adeegyadaas dhanka caafimaadka, wax-barashada, isgaarsiinta iyo dhamaan waxyaabihii kale ee nolosha daruuriga u ahaa).

Mushkiladda marka maanta Soomaalida ka haysta dhanka dhaqaalaha iyo siyaasaddaba waxaa un xalkeeda la heli karaa markii ugu horraynba ay bulshadu ayada laftirkeeda waxyaabaha ka khaldan saxdo oo ay garato inay jiraan dano guud oo jiritaankeeda oo dhan uu ku xiran yahay, islamarkaasna hadii aysan si wada jir ah isaga kaashan ilaalintooda aysan ka bulsho ahaan sii jiri karin. Waxaa nasiib darro in bulshadii Soomaaliyeed lagu suuxiyay irbad magaceeda la yirahdo "gargaar" oo dadkii maskaxdoodii ay ka maqan tahay inay ayagu wax qabsan karaan.
Waxaa jira hadal majaajillo ah oo lagu muujinayo sida mobaylka iyo internetka oo wada jira ay nolosha u fududeeyeen oo wax walba ay u xallin karaan. Hadalkaas waa oraahda ah "There is an app for that".
Waxaad moodaa marka in maanta markii bulshada Soomaaliyeed ay damacdo inay arrin gooni ah xal u hesho, in isla markiiba la leeyahay: "There is an NGO for that" (waxaa jirta hay'ad arrintas qaabilsan).

Ku tiirsanaanta hay'adaha NGO-ga waa mid ka mid ah masiibooyinka ugu waawayn ee ku habsaday ummadda Soomaaliyeed. Sababtoo ah hay'adahaan dalka u soo shaqo tagay, maskax ahaan ayay bulshadii u curyaamiyeen. Waxaana la gaaray heer wax walba loo daba fariisanayo hay'ad! Waxay bulshadii maraysaa heer danaheedii dhaqaale, kuweedii siyaasadda, kuweedii caafimaadka iyo kuweedii waxbarashadaba ay hay'ado iyo "beesha caalamka" un ka dhowrayso.
Labadii siyaasi oo murmaba waxay isku dacwaynayaan "beesha caalamka". Iskuulkii kuraas dheeri ah u baahdana wuxuu waraaq u qorayaa hay'ad! Aaway bulshadii dalkaan lahayd marka?! Bal tusaale ahaan waxaad fiirisaa biyaha roobka ee dhex fariisanaya wadooyinka iyo barxadaha mid ka mid ah magaalooyinka Soomaaliya. Biyahaas oo madoobaaday oo soo uraya ayaa dadkii si caadi ah isaga ag marayaan. Biyahaan kaneecadii baa ugxanteedii ku korsanaysa, markaasaa mudo gaaban gudeheed waxaa xafaada ay biyahaas dhex yaallaan ka dilaacaya cudurro kala duwan oo dadka qaba loo qaadi doono isbitaal ay hay'ad maamusho. Sidaas waxaa la mid ah qashinka iyo waskhda isbiirsatay ee dhex daadsan wadooyinka iyo xaafadaha magaalooyinka, maxaa dadka xaafadaas dagan ka hortaagan inay iska kaashadaan inay xal u helaan biyahaas wasakhda ah iyo qashinkaasba?! Jawaabtu waxay taha: waxaa maqan dareenkii guud ee masuuliyadda iyo isxilqaamidda. Waxaa maqan inay bulshadii intay isu timaaddo iswaydiiso: maxaa inoo dan ah?

Markii ay bulshadu isxilqaanto oo dareenka masuuliyada guudna uu ka soo bilowdo heer tuulo iyo xaafadeed, oo bulshadu ay ayada iskeed uga shaqayso xallinta mashaakilkeeda, markaas ayay bilaabanaysa xallinta mashaakilka siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee Soomaaliya. Sababtoo ah bulsho xilkas ah dhexdeeda kuma noolaan karo, kumana naaxi karo siyaasi calooshiisa-u-shaqayste ah oo musuqmaasuq iyo maamul xumo ku nool. Bulshada ayadaa iskeed u tufaysaa siyaasiga noocaas oo kale ah oo sidaas waxaa ku dhamaanaysa muskhiladda siyaasadeed ee dalka haysata. Mushkilada siyaasadeed oo xal loo helo ayadana waxay horseedaysaa in xal loo helo mushkilada dhaqaalaha. Sababtoo ah markii uu meesha ka baxo siyaasiga tuugga ah, waxay bulshadu u magacaabaysaa booskii siyaasigaas uu ka baxay mid kale oo xilkas ah oo si hufan ugu adeegi kara bulshada. Hadii isla-xisaabtan iyo hufnaan la helo,  waxaa hubaal ah in mushkiladaha dhaqaale ee bulshada xal loo helayo. Sababtoo ah mushkilad walba oo dhaqaale oo si guud bulsho ugu habsata waxaa sabab u ah labo arrimood:
1- Ilo dhaqaale oo dayacan oo aan si habboon looga faa'iidaysanayn .
2- Xatooyada hantida guud, iyo eex ama cadaalad-darro.

Markii la helo marka maamul lala xisaabtami karo oo si hufan ugu shaqaynaya danaha bulshada, labadaas arrimood ee abuuraya mashaakilka dhaqaale meesha waa ka baxayaan.

Buslahada Soomaaliyeed ayada ayaa marka looga fadhiyaa inay buuxiso shuruudaha horumarkeeda. Tilaabada koowaad ee buuxinta shuruudahaasna waa bulshada oo xilkas noqota oo intay isxilqaanto u istaagta xallinta mashaakilkeeda.
Waxaa loo baahan yahay in bulshada ku hoos nool maamul walba oo maanta Soomaaliya ka jira (ha ahaato heer Fedaraal ama heer gobol)  inay iskeed isu xilqaanto oo waxgaradkeeda ayada oo kaashanaysa ay danaheeda dhabta ah u istaagto (ayada oo aan talo iyo jihayn midna ka sugin siyaasi ama hay'ad). 

No comments:

Post a Comment