Tuesday, February 27, 2018

Maxaa Hortaagan in Soomaaliya ay ka Hanaqaado Dowlad Awood Leh?

Laga soo bilaabo markii uu dalku yeeshay madaxwayne ku yimid nadaamka saami-qaybsiga qabyaaladaysan ee Fedaraalka sanadkii 2004 ilaa hada, waxaa  dalka soo maray ilaa afar madaxwayne. Wuxuu dalku galay marlaxad
siyaasadeed oo ku dhisan nadaam huwan magaca "Federaal" oo hanaanka awooda siyaasadeed u kala qaybinaya mid guud oo ku jira gacanta xukuumad dhexe oo dalka oo dhan matasha oo Muqdisho ay saldhig u tahay, iyo mid gaar ah oo maamul-goboleedyada ay leeyihiin. Hadana inkasta oo dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka u yaal uu ilaa xad qeexay xiriirka ka dhexeeya maamulka dhexe iyo maamul-goboleedyada ka jira gobolada dalka; waxaa marar badan jira jahwareer siyaasadeed oo ay sabab u yihiin qaababka ay u dhaqmayaan maamul-goboleedyada. Waxaana marar badan adkaanaysa in la fahmo nooca uu yahay xiriirka dhabta ah ee ka dhexeeya maamul-goboleedyada iyo xukuumada dhexe ee dalka ka jirta. Ayada oo habdhaqanka siyaasadeed ee maamul-gobleedyada uu wiiqayo hanaankii dowladnimo ee bulshada soomaaliyeed ay tiigsanaysay.
 
Waxaa marka in la iswaydiiyo mudan: maxaa sabab u ah jahwareerka astaanta u noqday xiriirka ka dhexeeya maamul-goboleedyada iyo xukuumada dhexe ee dalka? Dhowr arrimood baa arrintaan sabab u ah baa la oran karaa:

  •  Beelaha dhistay maamul-goboleedayada dalka ka jira oo doonaya inay mar walba gacantooda ku jirto awood u saamaxaysa inay u babacdhigaan xukuumada dhexe ee fedaraalka. Ayaga oo had iyo goorba ku dadaalaya inay awooda noocaas ah u adeegsadaan inay ku ilaashadaan masaalix iyo himilooyin siyaasadeed oo heer qabiil ah oo beelahaan ay tiigsanayaan, iyo sidoo kale difaacida makaasibta ay qabaa'ilkaan isleeyihiin waad hanateen intii uu dagaalka sokeeye socday.
  • Musuqmaasuq siyaasadeed oo guud ahaan ku baahsan labada dhinac ee maamulka dhexe iyo maamul-goboleedyadaba, oo dalalka ajnabiga ah ee siyaasadaha gurracan wata u saamaxaya inay labada dhinacba adeegsadaan, oo iska horkeenaan oo mid walba gooni wax ugu sheegaan.
  •  Aqoon yaraan la xiriirta hanaanka ay dowladuhu u shaqeeyaan iyo baratakool xumo guud oo labada dhinac ee maamulka federaalka iyo maamul-gobleedyadaba haysata. Ayada oo uu yar yahay ama uusan jirin tababar la xiriira baratakoolada ay dowladuhu ku shaqeeyaan iyo sida laysugu xiro oo ay u wada shaqeeyaan laamaha iyo hay'adaha iyo qaybaha kala duwan ee dowlada. 

Ayada oo ay intaas  jirto, ayaa hadana waxaa Soomaaliya daris la ah labo wadan oo marnaba aan doonayn in dalka ay ka hanoqaado dowlad dhab ah oo leh awood ay dib ugu soo celiso qarannimadii Soomaaliya. Ayaga oo marka ka duulaya arrintaas, ayay dowladahaan waxay ka faa'iidaysanayaan qodobadaas aan kor ku soo xusnay. Waxaa marka iswaafaqaya oo wada shaqaynaya damaca qabyaalada ku salaysan ee hagaya maamul-goboleedyada oo had iyo goor ka shaqaynaya inay wiiqaan awooda xukuumada dhexe, iyo siyaasadaha nacaybka iyo colaada ku dhisan ee labada wadan ee Soomaaliya dariska la ah ee Itoobiya iyo Kenya. Waana arrintaan mida loo baahan yahay inay beelaha iyo qabaa'ilka  soomaaliyeed ku baraarugaan. Qabaa'ilka soomaaliyeedna waa inay fahmaan inaysan marnaba isku heli karin labo arrimood:
  •  Qaran dhisan oo soomaalida oo dhan matali kara oo xuquuqdooda iyo masaalixdoodana difaaci kara oo soo celin kara qaranimadii Soomaaliya.
  •  Qabiil awood ahaan la siman qarankaas oo garab socda.
Sidaas daraadeed ayaa loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii loo toosin lahaa qaabka ay u wada shaqaynayaan xukuumada dhexe iyo maamul-goboleedyada. Sidoo kale waa in la helo bulsho rayid ah oo istaagta qiimaynta hanaanka siyaasadeed ee xukuumada dhexe iyo maamul-gogobleedyaduba ay ku shqaynayaan oo si joogta ah warbixin uga soo saarta arrintaan. Ayada oo warbxinata noocaan ah looga daleeyahay in bulshada lagu baraarujiyo inay door saamayn leh  ka qaadato siyaasada dalka oo ay la xisaabtanto madaxdeeda aan u hogaansanayn dastuurka oo aan u adeegayn danaha guud ee umadda. Dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ahna waa inuu noqdo mid ka hufan musuqmaasuqa hada ku baahasan hay'adaha kala duwan ee hada dalka ka shaqeeya.

_____________________
Qoraal hore oo mowduuca qormadaan xiriir la leh: Federalism-ka Soomaaliya 


No comments:

Post a Comment