Hoos ka akhri faahfaahinta qoraalkaan 👆 iyo cida qortay |
Waxaa isa soo tarayay waayadaan dambe hadalhaynta shirkada dakadaha ee dalka Imaaraatka laga leeyahay ee magaceeda DP World la yiraahdo. Shirkadaan oo heshiisyo la xiriira maamulida qaar ka mid ah dakadaha Soomaaliya la gashay maamullada ka jira Puntland iyo Somaliland. Waxaa si gaar ah qadiyadaan hadalhaynteeda usoo nooleeyay wararkii shalay la baahiyay ee sheegayay in heshiiskii DP world ay dakada Berbera ku maamuli lahayd si rasmi ah loo saxiixay. Waxaase jirta arrin la xiriirta dhinacyada uu heshiiskaan dhex maray oo si gooni ah uga yaabisay ummadda soomaaliyeed. Waana arrinta la xiriirta saamiga 19% ah ee la sheegay in dowlada Itoobiya ay ku yeelanayso dakada Berbera. Ayada oo ay jirto hadalhayn la xiriirta in sidaas si la mid ah Itoobiya saami ugu yeelanayso heshiiska ka dhexeeya DP World iyo maamulka Puntland oo DP World loogu gacan galiyay maamulka dakada magaalada Boosaaso. Arrinta ay soomaalidu la yaaban tahay oo iswaydiinayso ayaa waxay tahay: waa maxay sifada ay Itoobiya uga mid noqotay heshiiska?!!!
Ummadda soomaaliyeed horay ayay u soo aragtay dhibka iyo khasaaraha ka dhalan kara heshiis aan laga fiirsan oo nin siyaasi ah oo danihiisa gaarka ah fiirsanaya uu la galo dal ama ummad kale. Waxaana tusaale noogu filan heshiiskii Is-afgarad loo bixiyay ee xakuumadii uu raysalwasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashiid ay la gashay dowlada Kenya sanadkii 2009kii oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay wasiirkii wakhtigaas ee xiriirka caalamiga ah Cabiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Ayada oo heshiiskaas uu horseeday in muran la galiyo xuduudii badda Soomaaliya. Wuxuuna heshiiskaas fursad u noqday damac ay inbadan dowlada Kenya ka lahayd badda Soomaaliya. Maantana waxaa muuqata in dabinkii 2009kii mid ka halis badan loo dhigay soomaalida ayada oo markaan ay Itoobiya gashay booskii Kenya.
Itoobiya waa dowlad aan bad lahayn oo aad ugu hamuun qabta inay bad hesho. Waxayna diyaar u tahay inay wado walba u marto sidii ay bad ku heli lahayd; oo qadiyadaan waa mid fakarka iyo ajandaha hogaankeeda siyaasadeed iyo ciidamadeedaba meel hore uga jirta.
Tusaaleyaasha arrintaan loo soo qaadan karo waxaa ka mid ah qoraal "cilmi-baaris" lagu sheegay oo jenaraal Itoobiyaan ah oo la yiraahdo (Abebe Teklehaimanot Kahsay) oo mar soo noqday taliyaha ciidamada cirka Itoobiya uu sanadkii 2007 uga qalin jabiyay jaamacad ku taalla dalka Maraykanka. Asaga oo shahaadada heerka Master-ka ku qaatay qoraalkaas. Mj General Abebe T. Kahsay wuxuu qoraalkiisa cinwaan uga dhigay: Ethiopia's Sovereign Right of Access to the Sea Under International Law oo macneheedu yahay: [Xaqa lama taabtaanka ah ee qaanuunka dowliga ah uu u siinayo Itoobiya inay bad yaalato].
Qoraalkaan wuxuu fursad noo siinayaa inaan wax ka fahanno halka ay qadiyada bada uga jirto ajandaha iyo qorshaha Itoobiya. Sidoo kale wuxuu na tausayaa ilaa heerka ay diyaarka u tahay Itoobiya inay tilaabo walba oo suuoragal u qaado sidii ay u heli lahayd xujo qaanuuni ah oo u saamaxaysa inay yeelato bad ama xeeb. Abebe T. Kahsay wuxuu isku dayay inuu "cilmi" ahaan wax sugan ka dhigo inay dowlada Itoobiya xaq lama-taabtaan ah ku leedahay bada dowlada Eretriya! Wuxuuna midaas u cuskaday wax uu ku sheegay "Heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo quwadaha waawayn ee dagaalkii labaad ee aduunka ku guulaystay"! Mana jiro heshiis noocaas ah. Bale waxaa jirta in dowladaha uu sheegayo ay dagaalkii labaad kadib ka shireen sidii laga yeeli lahaa dhulalka uu gumaysigii talyaanigu ka talinayay (oo Eretriya) ay ka mid ahayd. Markii ay dowladahaas mowqif midaysan arrinta Eretriya ka qaadan waayeenna waxay u gudbiyeen Qaramada Midoobay oo sanadkii 1952kii soo jeedisay in Eretriya ay maamul Fedaraal ah uga mid noqoto boqortooyadii Itoobiya, ayada oo waliba maamul-hoosaad madax banaan yeelanaysa.
Intaas waxaa ka dambeeyay in Eretriya ay xornimadeeda qaadatay oo dal madax banaan ay tahay wakhtiga uu Abebe T. Kahsay qoraalkiisa diyaarinayo. Waxaa intaas dheer oo ninkaan uu si cad isaga indhotiray oo uusan ixtiraamayn heshiiskii Algiers (Algiers Agreement) oo sannadkii 2000 ay Itoobiya iyo Eretriya ku kala saxiixdeen dalka Algeeriya. Heshiiskaas wuxuu dhigayay in arrinta xuduuda ee labada dal lagu xalliyo qaab tixraac ka dhiganaya xuduudihii gumaysigii Yurub uu ka tagay. Taas macneheedu waa in waxa tixraaca noqonaya uu yahay xuduudii uu Talyaanigu kula heshiiyay boqor Menelik II sanadkii 1889kii ee maamul ahaan ay Eretriya uga madax banaanayd Itoobiya. Waana heshiiska loo yaqaan (Treaty of Wuchale). Laakiin Abebe T. Kahsay waxaas oo dhan inta uu ka soo wada tilaabsaday ayuu xujo ka dhigtay "Recommendation" ama "Talo" ay dhowr dhowladood soo jeediyeen oo ahaa in arrinta Eretriya loo gudbiyo QM, wuxuuna Recommendation-kaas ama taladaas la soo jeediyay u bixiyay "Treaty" (heshiis)!!!
Caqliga ay Itoobiya ku ugaarsanayso xeeb iyo bad ay sheegato marka waa midkaas. Hadii Itoobiya ay u farabaxsanayso bada wadan foojigan oo xuduudihiisa difaacanaya sida Eretriya oo dagaallo adag arrintaan iyo kuwo la mid ah daraadood ula galay, maxay kula tahay inay ku samayn karto wadan sida Soomaaliya baylahda ah oo dadkiisii ay ayagu isku mashquushan yihiin? Hadii ay sidoo kale diyaar u tahay in wax aan heshiis ahayn ay heshiis ka dhigto oo ay u badasho xujo qaanuuni ah oo ay cuskan karto, maxay kula tahay inay ku samayn karto heshiis la mid ah midka ay hada shirkada DP World ka qayb galisay oo dakad soomaaliyeed ka siinaya Itoobiya saami 19% ah?!!! Sidaas daraadeed bay lama huraan tahay inay soomaalidu ku baraarugto halista daba taal heshiisyadaan waxa ay yihiin aan la aqoon ee siyaasiyiinta calooshooda u shaqaystayaasha ah ay iska saxiixayaan. Sababtoo ah saxiixyadaan uu hungriga kaliya hagayo, dalkii bay haadaan ka tuurayaan oo u sharciyaynayaan cadow in badan ilkaha u lisnayayay. Waxaa loo baahan yahay marka in waxgaradka beelaha dhistay maamuladaan wax iska saxiixaya ay raga hogaaminaya waydiiyaan: war nimahohow wadankaan xagee u wadaan? War waxaan aad saxiixaysaan bal na soo hor dhiga oo na tusa!
Waxaa loo baahan yahay inay dadwaynuhu kala xisaabtamaan baarlamaanada maamulladaan wax saxiixaya bal inay dadka ay matalayaan u bandhigaan heshiisyadaan ay saxiixayaan qodobadooda iyo waxa ay yihiin. Sababtoo ah waxaa halkaan halis ku jira dhulkii! Wadankii bay iibinayaan nimankaan hogaaminaya maamulladaan tirada badan ee dalkii lagu ibtileeyay. Barrikamaalin hadii dowladahaan wax loo saxiixayo mid kamid ah ay dalka ku soo duusho oo ay qabsato ayada oo cuskanaysa mid ka mid ah heshiisyadaan mugdiga lagu saxiixay; siyaasagaan calooshiisa u shaqaystaha ah diyaarad buu qaadan doonaa oo cidna ma yaqaan. Tol iyo qabiilna shaqadiis ma ahan. Wuxuuna aadayaa dal ajnabi ah oo baasaboorkiisa uu haysto oo hadeerba ay u taallo lacagta uu ka helayo heshiisyadaan uu balaayadii albaabka soo istaagtaba la galayo!
Dalka hala daboqabto marka intay goori goor tahay. Aqoonyahan, culamaa'udiin iyo saxaafad intaba waa inaan loo kala harin oo dadwaynaha laga wacyigaliyo halista ku lamaan heshiisyadaan musuqmaasuqa ku dhisan oo dalkii u gacan galinaya shisheeyaha.
Sidoo kale waa inuu xukuumada iyo baarlamaanka federaalka ee dalka ay arrimaha heshiisyadaan ka hadlaan, oo gaar ahaan xukuumadu ay kala hadasho arrintaan dowlada Imaaraatka iyo tan Itoobiya labadaba. Sababtoo ah labaduba waxay si cad oo bareer ah ugu tumanayaan madaxbanaanidii Soomaaliya.
__________________________________
- Qoraal hore oo mowduucaan xiriir la leh: Waa Maxay Danaha Ay Dowladda Imaaraadku Ka Leedahay Dakadaha Soomaaliya?
- Qoraalka Abebe Teklehaimanot waxaad ka soo dagsan kartaa: Halkaan
Sidoo kale waa inuu xukuumada iyo baarlamaanka federaalka ee dalka ay arrimaha heshiisyadaan ka hadlaan, oo gaar ahaan xukuumadu ay kala hadasho arrintaan dowlada Imaaraatka iyo tan Itoobiya labadaba. Sababtoo ah labaduba waxay si cad oo bareer ah ugu tumanayaan madaxbanaanidii Soomaaliya.
__________________________________
- Qoraal hore oo mowduucaan xiriir la leh: Waa Maxay Danaha Ay Dowladda Imaaraadku Ka Leedahay Dakadaha Soomaaliya?
- Qoraalka Abebe Teklehaimanot waxaad ka soo dagsan kartaa: Halkaan
No comments:
Post a Comment