Wednesday, March 14, 2018

Xujooyinka ay Kiristaanku ku Difaacaan Caqiidada Tathliithka (Trinity)

Sida aan ku soo marnay maqaal hore oo aan Blogaan ku soo bandhignay,
The Father (midig),
The Son (bidix), The Holy Spirit (shimbirta dhexe).
Sadexdaan in ay hal ilaah isku yihiin ayaa Kiristaanku
aaminsan yihiin
caqiidada Kiristaanka tiirkeeda ugu wayn waa Saddexynta ama Tathliithka (Trinity) oo ah fikrada ornaysa: Ilaahay wuxuu leeyahay sadex shakhsiyadood oo kala duwan oo la kala yiraahdo: Aabaha (The Father), Wiilka (The Son), iyo Ruuxa Quduuska ah (The Holy Spirit). Waxay kiristaanku leeyihiin: sadexdaan oo wada jira ayaa hal ilaah isku noqonaya!

Nin la yiraahdo Matt Slick oo ka mid ah dadka sida aadka ah u difaaca fikradaha ay caqiidada Kiristaanku ku dhisan tahay, ayaa wuxuu qoray maqaal uu ku sharraxayo fikrada Trinity-ga, asaga oo leh: muslimiintu si khaldan ayay u fahmeen fikradaan, oo in ay si sax ah u fakaraan ayay u baahan yihiin. Wuxuuna sheegay inuu fikiradaan ka difaacayo tilmaanta ay muslimiintu ku tilmaameen inay tahay fikrad aan caqli ahaan saxnayn oo aan ku dhisnayn Mandiq (Logic/منطق).
Sidaas daraadeed ayuu Matt Slick sharraxay fikrada Trinity-ga asaga oo qaabkaan u kala dhigaya:

1- Waxaa jira hal ilaah oo ka kooban sadex shakhsi oo kala duwan (Aabaha, Wiilka, iyo Ruuxa quduuska ah)!
2- Sadxedaa shakhsi mid walba oo ka mid ah waa ka madax banaan yahay labada kale oo mid waliba waa shakhsi gooni ah.
3- Mid walba oo sadexdooda ka mid ahi wuxuu leeyahay sifo ilaahnimo oo dhamaystiran.
4- Mid walba oo sadexdaas ka mid ah, ma ahan ilaah. Taas macneheedu waa sidan: Aabuhu ma ahan ilaah markii uu kaligiis yahay. Wiilkuna sidoo kale ma ahan ilaah. Ruuxa Quduuska ahna ma ahan ilaah. Balse sadexdooda oo wada jira ayaa ah hal ilaah!

Matt Slick sidaas markii uu sharraxay, ayuu hadana sii raaciyay tusaaleyaal dhowr ah oo uu ku xoojinayo doodiisa oranaysa: caqli ahaan 3 waa noqon kartaa 1. Tusaaleyaasha uu soo qaatay waxaa ka mid ah wakhtiga, asagoo leh: wakhtigu wuxuu u kala qaybsan yahay: tagto, xaadir iyo mustqabal hadana waa isla hal wakhti dhamaantiis.

Aan fiirino marka difaacaas uu sameeyay Matt Slick inuu yahay mid Mandiq sahaan saxan oo xujo u noqon kara saxnaanta fikrada Trinity-ga. Waxaanan hadalkiisaas saaraynaa miisaanka Mandiqa ama Logic-ga. Waana miisaan ku qotoma sadex qaanuun oo la yiraahdo Qawaaniinta Fikirka (قوانين الفكر). Waxayna kala yiriin:

1- Qaanuunka ahaanshaha (قانون الذاتية). Wuxuu qaanuunkaan dhigayaa in wax walba oo jira ay leeyihiin hal xiqiiqo oo sugan oo aysan marnaba ahaan karin wax aan ahayn xaqiiqadaas ahayn. Matalan, nin horteena taagan markaan qofka uu yahay ka hadlayno oo aan niraaho: kani waa Axmad. Taas macneheedu waa in Axmad uusan noqon karin marnaba cid aan Axmad ahayn. Wuxuu leeyahay hal jiritaan ama ahaansho oo su oo aan isbadbadli karin.

2- Qaanuunka is-burin-la'aanta (قانون عدم التناقض). Wuxuu qaanuunkaan dhigayaa inuusan shaygu hal mar ku wada sifaysnaan karin labo sifo oo is-burinaya. Matalan ma dhici karto in ninkii aan tusaalaha usoo qaadanay ee Axmad uu ahaado nin dheer oo hadana gaaban. Laakiin labadaas sifo oo is wata hal mar wada lahaan karo.

3- Qaanuunka 'labo-midkood' (قانون الثالث المرفوع). Qanuunkaan wuxuu dhigayaa in shaygu waxa uu ku sifaysan yahay iyo lidkooda mid ka mid ah un uu ahaan karo oo aysan jirin wax labadaas u dhexeeya oo uu ahaan karo. Sidoo kale inuusan labadaasba ka wada dhex bixi karin. Tusaale: Axmad inuu nool yahay iyo inuusan noolayn wax aan ahayn oo sadexaad ma ahaan karo.

Sadexdaas qaanuun ee Mandiqa anaga oo adeegsanayna aan qiimayno hadalka Matt Slick. Wuxuu yiri: "waxaa jira hal ilaah oo ka kooban sadex shakhsi oo kala madax banaan"!!!😕😕😕 Aan miisaano hadalkaan anaga oo adeegsanayna qaanuunka koowaad ee Mandiqa oo aan is waydiino: waa maxay waxa aan ka hadlayno halkaan?!
Matalan, hadaan niraaho: "Waxaa jira hal Ilaah" waa hadal macne gooni ah leh oo ka hadlaya cid ama jire (Being/Entity/ذات) la fahmi karo, oo intaas kadibna laga hadli karo sifaad (Attributes/صفات) loo tiirin karo sida: kalinimo, awood, cilmi iwm (sida diinta Islaammka aan ka dhex heli karno). Laakiin markii la yiraahdo: 'waxaa jira ilaah ka kooban sadex shakhsi oo kala madax banaan oo midkoodna uusan ilaah ahayn markii uu kaligiis yahay'!!! Waxaa halkaan lumaya jirtaankii cida aan ka hadlayno laftirkeeda! Sababtoo ah waxaan kala cadayn in ilaahnimadu tilmaamayso jire ama (kaa'in) oo markaa ay tahay (اسم ذات), iyo inay tilmaamayso sifo oo ay tahay (اسم معنى) ay ku wada sifaysan yihiin sadex shakhsi oo midkoodna uusan si gooni ah  Ilaah u ahayn!
Sidaas daraadeed inuusanba ilaah jirin balse ay jirto "sifo ilaahnimo" oo ka dhaxaysa sadex shakhsi oo kala duwan! Fikrada Trinity-ga marka waxay ku kufaysaa albaabka ugu horeeya ee Mandiqa laga soo galo. Sababtuna waxay tahay: wali waxaanan laga jawaabin: yaa Ilaah ah?


Tusaalihii uu soo qaatay wakhtiga iyo tusaalayaalka kale ee weheliyana wax xiriir ah lama leh fikradaan. Tusaale ahaan, xiliyada kala duwan ee wakhtiga (tagto, xaadir iyo mustaqbalba) mid walba oo ka mid ah waa (اسم معنى) sifo u ah wakhtiga, hadana intoodaas mid oo ka mid ah wuxuu (اسم ذات) u noqon karaa wakhtiga.
Wakhtiga qaybhiisa kala duwan waa isla asagii un oo wixii tagay, xaadirka taagan iyo mustaqabalkuba waa wakhti. Waxaa la oran karaa: wakhtigu waa xaadir iyo tagto iyo mustaqbal. Hadana intaas mid walba oo ka mid ah si gooni ah baa loo soo qaadan karaa oo wakhti loogu sifayn karaa (tusaale, xaadirku waa wakhti ama mustqabalku waa wakhti). Balse Matt Slick asagii baa leh: sadexda cunsur oo Trinity-ga midkoodna ilaah ma ahan oo matalan lama oran karo: Ruuxa Quduuska ah waa ilaah. Hadana sidaas oo ay tahay Matt Slick wuxuu leeyahay: waxaa hal ilaah ah sadexdooda oo wada jira!

Qiyaasta uu soo qaatay iyo fikrada Trinity-ga  qaabka uu u soo bandhigay marka  la isma waafajin karo. Qaabka kaliya ee uu isu waafajin karo fikrada uu difaacayo iyo qiyaasta uu xujada uga dhigay waa inuu ogolaado in waxa uu caabubado ay sadex ilaah yihiin,oo markaa uu yiraahdo: mid walba oo sadexda shakhsi ee Trinity-ga ka mid ah waa ilaah gooni ah (sidaas daraadeed sadex ilaah baa jira). Waana arrinkaan midka hadal ahaan uu inkirsan yahay, ficil ahaanse uu samaynayo.
  
Intaas waxaa sii dheer, sida ay isu burinayaan tilmaamaha ku jira hadalada uu Matt Slick ku sharaxay Trinity-ga. Wuxuu yiri: mid walba oo sadexda shaskhi ee Trinity-ga ka mid ah wuxuu leeyahay dabeecad ilaahnimo oo buuxda "each is fully devine in nature". Hadana, midkoodna Ilaah ma ahan "Each person is not god". Laakiin sadexdooda oo isu tagay ayaa hal ilaah ah "the totality of all three persons comprises the one God". Laakiin sidaasoo ay tahay, sadex ilaah ma ahan waxa laga hadlayo "Again, the trinity does not teach that there are three Gods"! Sidee loo kala furfuri karaa fikrada sidaan khaldan isugu guntan?! Bal fiiri:
- Aabaha: ma ahan ilaah.
- Wiilka: ma ahan ilaah.
- Ruuxa Quduuska ah: ma ahan ilaah.
- Sadexdooda oo wada jira: waa hal ilaah!!!

Intaas waxaa sii dheer, inaysan suuragal ahayn Mandiq ahaan in la iswaafajiyo labada hadal oo kala ah: "mid walba oo sadexdooda ka mid ah wuxuu leeyahay sifo ilaahnimo oo dhamaystiran" iyo: "midkoodna ilaah ma ahan". Hadiiba sifo ihaahnimo oo dhamaystiran mid mid la siiyay, soo ma ahan in si toos ah loo yiri: mid walba oo ayaga mid ka mid ah waa ilaah gooni ah? Soo midaan ma ahan sababta ay Kiristaanku u yiraahdaan: "Jesus is god"? Taas macneheeda soo ma aha in la yiraahdo: mid walba oo ayaga ka mid ah waa ilaah, hadana ilaah ma ahan?! Sidaas daraadeed waa hadallo dhinac iska burinaya, dhinaca kalena labo sifo oo isdiidan hal mar inay wada sugaan doonaya. Waxayna sidaas uga hor imaanayaan qaanuunka labaad iyo midka sadexaad ee Mandiqa. Sidaas daraadeed ayaa fikrada Tathliitka ay gabi ahaanba lid ku tahay Mandiqa iyo caqliga saliimka ahba.

Ilaa heerka ay fikradaan jawahwareersan tahay si  aan u fahanno, waxaan fiirin karnaa macnaha ay xambaarsan tahay fikrad ayada ka duwan oo isla qadiyada ay ku jahwareertay Trinity-gu ka hadlaysa. Waana fikrada Tawxiidka ee diinta Islaamka. Aan fiinrino marka cida ay tilaamayso kalmada "Ilaah" ama "Ilaahay/Eebbe". Markaan diinta Islaamka waydiino: Ilaahay waa kuma? Waxaan helaynaa jawaabtaan:
 هو الله الذي لا إله إلا هو عالم الغيب والشهادة هو الرحمن الرحيم. هو الله الذي لا إله إلا هو الملك القدوس السلام المؤمن المهيمن العزيز الجبار المتكبر سبحان الله عما يشركون. هو الله الخالق البارئ المصور له الأسماء الحسنى يسبح له ما في السماوات والأرض وهو العزيز الحكيم | الحشر:22-24

Dhamaan aayadahaas kore waxaa si cad uga muuqda cida tilmaanta laga bixinayo cida ay tahay. Waxaa lagu bilaabay (هو الله) [Asagu waa Ilaahay]. Halkaan Ilaahnimada laftirkeeda ayaa ah (اسم ذات). Sidaa daraadeed  waxaa si cad u kala qeexan cida jiritaankeeda la tilmaamayo iyo sifooyinka ay cidaas ku sifaysan tahay. Waana qeexitaan waafaqsan Qaanuunka Ahaanshaha. Waana halkaan meesha uu yaallo farqiga ugu dhexeeya Tawxiidka Islaamka iyo Tathliitha diinta Kiristaanka.
_______________________________
Halkaan ka akhri maqaal hore oo xiriir la leh mowduucaan.
- Maqaalka Matt Slick asna Halkaan ka akhri.

No comments:

Post a Comment