Sunday, June 16, 2019

Diinta, Dalka iyo Damiirkaaga

Xigasho: Yuusuf Garaad. Ishaqa qoraalka: Blogiisa (Halkaan ku booqo)


Diinta Islaamka iyo damiir la’aantu ma wada noolaan karaan oo waliba hal qof qabligiisa ma isla degi karaan?


Adiga oo jilbaha iyo foolku ay salaad kugu murxeen, ma ahaan kartaa laaluush qaate?

Adiga oo soonka Ramadaan la dhuubtay, ma kartaa in aad eex, duudsi iyo dulmi aadan keliya ka raalli noqon ee aad u dhafarto in aad adigu wax ka abaabusho?

Adiga oo masjid dhisaya ama lacag ku darsanaya dhismihiisa, ma degganaan kartaa dhul Dadweynaha ka dhexeeya oo mas’uul kugu heyb ah ama dan uu kaa leeyahay aawgeed uu magacaaga kuugu qoray warqadda lahaashaha?

Adiga oo cumreysanaya ama soo xajin raba, ribix ma ka raadin kartaa daawo iyo raashin dhacay in aad dalka keento?

Adiga oo muslim ah, Magaalo dhan oo xaafad kasta ay masaajiddu isu wada muuqdaan, ma banneysan kartaa dhiigga muslimiinta deggan marka aad doonto?

Adiga oo madax ah, ma la noolaan kartaa caddaalad darro maamulkaagu geysanayo?

Adiga oo waacid ah, ma kaa suurta geli lahayd in ….

Aan halkaa ku joojiyo.

Ka fikir.

Fadlan qaddar yar haki akhriska oo bal si qoto dheer uga feker arrinkaan.

Isku day in aad soo xusuusato tusaaleyaal kuwan oo kale ah.

Fadlan su’aalaha qaar si deggan uga bixi faallo aad ka fiirsatay. 

No comments:

Post a Comment