Saturday, February 9, 2019

Xujada Kowniga ah ee Cilmul-kalaamka

Jiritaanka Ilaahay (سبحانه وتعالى) waxaa un inkiri kara qof uu caqligiisu hooseeyo oo maangaab ah. Sababtoo ah, qof walba oo caqligiisa si saxan u adeegsada wuxuu si fudud ku garan karaa in koonkaan waasaca ah iyo waxa makhluuqaad iyo
jamaad ah dhex yaallaba ay ka markhaati kacayaan jiritaanka Ilaahay (SWT). Laakiin waxaa wax lagu qoslo ah in mulxidiinta inkirsan jiritaanka Ilaahay ay ismoodayaan dad aad u caqli badan oo "fahankooda sarreeya" uu ku hogaamiyay inay inkiraan jiritaanka Ilaahay (SWT). Waxyaabaha ay ku doodaan waxaa ka mid ah: Ilaahay hadii uu jiro maxaa loo arki waayay? Sidoo kale waxay ku andacoodaan in maaddada ama Matter-ku ay tahay shay isku filan oo aan u baahnayn Ilaah iyo cid jihaysa midna oo ayadu tahay xaqiiqada ugu sarraysa ee koonka taalla.


Marka laga hadlayo dood iyo xujo caqli ku dhisan oo ku saabsan jiritaanka Ilaahay, dhinaca uu caqligu la safan yahay waa dhinaca iimaanka iyo yaqiinta ah in koonkaan uu leeyahay Ilaah abuuray oo iska leh. Culimada Islaamkana ayagaa ah cidii ugu horraysay ee caqli ahaan jaangoysay xujada caqli ahaan ugu xoogga badan ee lagu aamusin karo mulxidiinta inkirsan jiritaanka Ilaahay (SWT).
Culimadii muslimiinta waxaa ku filnayd inay soo daliishadaan aayadaha Quraanka iyo axaadiista nabiga (SCW) ee ka markhaati kacaya jiritaanka Ilaahay (ayadoo aayadahaas iyo axaadiistaasba sharci ahaan iyo caqli ahaanba yihiin kuwo qof walba oo caqli leh uu ku qanci karo). Balse waxaa meesha ku jirta in mararka qaarkood qofka lala doodayo uusanba ogolayn in Quraan iyo Xadiis midna daliil looga dhigo (maadaama uusan midkoodna rumaysnayn). Sidaas daraadeed ayay qaar ka mid ah culamadii Islaamku jaangooyeen xujo mantiqi ah oo caqli ku dhisan (Logical Argument) si ay qof walba oo caqli ahaan si saxan u fakaraya ugu qanciyaan jiritaanka Ilaahay. Waxaana culimadaas ugu caansan ِAbuu Yuusuf Alkindi (أبو يوسف الكندي) oo ah caalim muslim ah oo noolaa inta u dhexaysay 185 ilaa 256 ee taariikhda Hijriga oo ay hada ka soo wareegtay ilaa 1174 sano.

Alkindi doodiisa caqliga ku dhisan wuxuu u qaabeeyay sidaan soo socota:
1- Wax walba oo bilow leh waxaa jirta cid bilowday ama abuurtay.
2- Koonka wuxuu leeyahay bilow.
3- Sidaas daraadeed koonka cid abuurtay ayaa jirta!

Waa xujo mandiqi ah oo innaba wax daldalool ah aan lahayn. Mana jiro mulxid awood u leh inuu xujadaas mandiqiga ah mid u dhiganta oo caqli ahaanna burin karta keeno. Maxaa yeelay. Maxaa yeelay kuma andacoon karaan inuu koonku asagu is abuuray, oo ma jirto meel ay caqli ahaan ka shaqayn karto fikrad oranaysa "shay baa naftiisa samayn kara"! Sidaas daraadeed ayaa xataa ummadaha aan muslimka ahayn sida Kiristaanka ay soo daliishadaan xujadaan  markii ay la doodayaan mulxidiinta oo ay caqli ahaan ka dhaadhicinayaan inuu jiro Ilaah koonkaan abuuray.
Xujadaan uu asal ahaan Alkindi curiyay waxay reer galbeedku u yaqaannaan Kalam Cosmological Argument (Doodda Kowniga ah ee Cilmul-kalaamka). Sidaas daraadeed ayaad arkaysaa horumarka ay caqli ahaan gaareen muslimiintii hore iyo sida wanaagsan ee ay ugu adeegeen caqiidada Islaamka iyo fikradda iimaanka ama rumaynta jiritaanka Ilaahay (SWT); ayaga oo dhisay xujada ugu wayn ee caqli ahaan lagu difaaci karo jiritaanka Ilaahay. Waxaana maanta cilmi ahaan sugan oo xaqiiqo aan laga murmi karin in koonkaan aan ku noolnahay uu leeyahay wakhti uu bilowday oo uusan ahayn sida ay mulxidiinta qaarkood ku andacoodeen mid abadi ah oo waligiis jiray oo si abadi ahna u sii jiri doona. Sidaas daraadeed ayay cilmiga iyo caqliguba difaacayaan jiritaanka Ilaahay.



No comments:

Post a Comment