Monday, December 17, 2018

Qaaradda Yurub oo Ay Ka Sii Dabargo'ayso Diintii Kiristaanka

Tirokoob lagu sameeyay dhalinyaro ay da'doodu u dhexayso 16 ilaa 29 sano oo ka soo jeeda dalal kala duwan oo qaarada Yurub ah  ayaa wuxuu muujinayaa in ay qaaradda Yurub ka guurtay caqiiqadii Kiristaanka oo ay u guurtay Diin La'aan.
Prof. Stephen Bullivant oo ah ninka warbixinta tirokoobkaan diyaariyay wuxuu yiri: "diintii [Kiristaanka ee Yurub gudeheeda] waa sii dhimanaysaa".

Sida ka muuqata jaantus ama garaaf ku lifaaqan warbixinta tirokoobkaan oo
Garaaf
Isha garaafka: The Guardian.
Guji sawirka si aad u waynayso muuqaalkiisa.
wargayska The Guardian uu faafiyay sanadkaan  2018 bishiisii sadexaad, 62% tirada dalalka garaafkaas ka muuqda waxay dhalinayaradooda aan diinta haysan u dhexeeyaan 55% iyo 91% tirada guud ee dhalinyarada dalalkaas. Taas macneheedu waa in aqlabiyada dhalinayaradii Yurub aysan wax diin ah haysan! Sidaas daraadeed ayuu Bullivant wuxuu leeyahay: "diintii Kiristaanka ee ahayd diinta qaaradda Yurub, ma jirto hada. Waana ay baaba'day oo jiritaankeedii waa joogsaday". Asagoo hadalkiisii sii watana wuxuu leeyahay: "diinta hada ka jirta Yurub waa diin la'aan".

Waxaana warbixinta tirobkoobkaas sii xoojinaya farriin uu baahiyay taleefishinka CBN (Christian Broadcasting Network) oo sheegay in dhaqdhaqaaqii Miishinariga uu saldhiggiisii ka wareegay dalalka reer galbeedka oo uu u wareegay Laatiin Ameerika iyo qaaradda Aasiya! Taas macneheedu waa in dhaqdhaqaaqa ugu badan ee faafinta diinta Kiristaanka uu ka imaanayo dhanka Laatiin Ameerika iyo Aasiya, halka taariikh ahaan uu ka imaan jiray dhanka dalalka reer galbeedka.

Waxaa la iswaydiin karaa marka: reer galbeedka maxaa uga nool Kiristaannimadoodii, waa maxayse qiimaha ay maanta ugu fadhio? Jawaabtu waxay tahay; waxba!
Macnaha kaliya ee maanta ay diinta Kiristaanku ugu fadhido shucuubta reer galbeedka iyo dowladahoodaba waa ayada oo diintaas ay ugu xisaaban tahay "hayb" taariikhdoodii hore ay lahaayeen. Ma jirto dhanka nolosha wax qiimo ah oo diintii Kiristaanka ay shucuubtaas ugu fadhido. Wakhtiga xaadirka ahna, mararka ay xaauustaan inay Kiristaanka yihiin waa markii axsaabtooda xagjirka ah ay faquuqayaan muslimiinta ku nool dhulka reer galbeedka. Iyo sidoo kale markii dowkadaha reer galbeedka ay doonayaan inay farogalin ku sameeyaan dalal kale, ayaga oo qiil ahaan  adeegsanaya mararka qaarkood "difaacida xuquuqda dadka Kiristaanka ah".

No comments:

Post a Comment