Sunday, November 25, 2018

Sulaymaan Bakis: Nin Muslim ah oo Ixsaankiisa uu Taariikhda Galay

Sulaymaan Bakis (Sulaiman Bux) waa nin Muslim ah oo asal ahaan hindi ah, balse muwaadin ka ah dowladda Koofur Afrika. Wanaag iyo ixsaan uu u galay nin dhalinyaro ah oo uusan aqoon ayuuna taariikhda dalkaas meel fiican uga galay. Abaalkaas uu galayna waxaa 36 sano kadib ka sheekeeyay ninkii uu u galay oo noqday ku xigeenka madaxa Maxkamadda Sare ee Koofur Afrika (Deputy Chief Justice). Waana ninka la yiraahdo Raymond Zondo.

Raymond Zondo ayaa markii sannadkii 2017kii loo sharraxay xilka ku xigeenka madaxa Maxkamadda Sare ee Koofur Afrika wuxuu u sheekeeyay gudigii ka socday xubnaha garsoorka ee asaga u magacaabi lahaa jagada sare ee loo sharraxay.
Wuxuu yiri Raymond Zondo: sannadkii 1981kii ayaan u gudbay heerka jaamacada. Waxaan go'aansaday inaan qaanuunka barto. Waxaanan xaq u lahaa inaan jaamacadda lacag'aan ku dhigto.  Laakiin waxaa caqabad igu ahayd saboolnimada qoyskayga oo hadaan waxbarsho iyo jaamacad aado ma jirin cid hooyaday iyo walalahay u shaqaynaysa oo masruufaysa. Arrintaanna walwal badan ayay igu abuurtay. Waxaan go'aasaday inaan lacag dayn ah raadsado si aan u siiyo hooyday oo inta aan jaamacadda ku maqanahay ay lacagtaas masruuf ugu noqoto hooyaday iyo walaalahay. Waxaan u imid nin hindi ah oo  dukaan uu u furan yahay. Waxaanan uga sheekeeyay xaalkayga iyo duruufta i haysata, anigoo ka dalbaday inuu i caawiyo. Ninkii hindiga ahaa wuxuu igu yiri: "waan ku caawinayaa. Qoyskaagana waxaan siinayaa Voucher ama Kaar ay uga adeegtaan dukaankayga oo bil walba ku qaataan adeegga ay u baahan yihiin ilaa aad adigu jaamacada dhamayso. Markii aad jaamacada dhamayso ayaanad bixinaysaa dayntaas".

 Sulayman Bakis (Sulaiman Bux) (bidix) iyo Raymond Zondo
Raymond wuxuu yiri: aad iyo aad ayaan u farxay, waxaanan ku noqday hooyaday oo waan u sheegay heshiiska aan la soo galay ninka hindiga ah. Kadibna jaamacadii ayaan galay. Ninkii hindiga ahaana sidii uu ballanqaaday ayuu hooyaday iyo walaalahay u caawinayay. Markii aan jaamacaddii ka  qalinjibiyay ayaanan u imid ninkii oo waxaan ku iri: sidee baad jeceshahay inaan u bixiyo dayntii aad igu lahayd? Ninkii hindiga aha wuxuu iigu jawaabay: dayntaas qaabka aad u bixinayso waa in sidii aan anigu kuu caawiyay adiga, aad adiguna u caawiso dadka kale!

Raymond Zondo wuxuu nasiib u yeeshay inuu dib ula kulmo ninkii muslimka ahaa oo abaalkaas u galay asaga iyo qoyskiisaba. Sdaaxaafadda Koofur Afrika iyo tan caalamkana aad ayay uga hadleen qisadaan xambaarsan naxariista iyo aadaminimada.

No comments:

Post a Comment