Wednesday, September 11, 2019

Shacabka Soomaaliyeed Iyo Siyaasiyiintiisa

Xigasho: Sh. Muxammad Idriis (Bogiisa Facebook)


Shacabka soomaaliyeed 20 sano waa loo khudbeeyaa! welise isagu ma khudbayn!
20 sano ayuu wuxuu dhegeysanayaa cajalad (dillaacsan) oo dheguhu kugu xanuunaan: waxaan samayn doonaa is bedel!! Waxaan keeni doonaa: hufnaan iyo hawlkarnimo! Caddaalad iyo horumar! Qorshahaygu wuxuu ku qotomaa: tiirar adag!!! (Ogow google baa laga soo guuriyey) (goy/dheji - cut/paste).
Wax weynina isma beddelaan! 20 sano dalal iyo ummado ayaa adduunka 3aad ka guura oo adduunka 1aad u guura!!!
Soomaali ayaa horay ugu maah maahday (Hadal haan ma buuxsho) (Meel hoo u baahan hadal wax kama taro). Ummadda soomaaliyeed ee murtidaa samaysay wallee ma garan waayin riwaayadaha hadalka aan haan u buuxin! yaan lagu dagmin, oo doqomo loo malayn!!!
Maalin bey khudbayn doontaa, culimey leedahay! Wax garad bey leedahay! Aqoon iyo waaya aragnimo dad u saaxiib ah baa ka buuxa! Ma guuri waayin ey wey dulqaad badantahay!
Maalinta ay khudbayso cajaladaha dillaacsan ee dhegaha na xanuujiyey we wada aamusi doonaan inshallahu!!

No comments:

Post a Comment