Page facebook ay ka furteen dhowr qof oo ka mid ah soomaalida sheegata inay kiristaamoobeen ayaa mar waxaa ka socotay dood dhex maraysay dhowrkaas qof iyo dad soomaalida ah oo la yaaban waxa ay dhowrkaas qof lasoo shir tageen. Waxay si indha-adayg ah ugu doodayeen ilaahnimada (Ciise-masiix) ayagoo dhanka kalena wax ka sheegayay diinta Islaamka. Dadkii la hadlay marka waxaa ka mid ahayd gabar soomaali ah oo intay aad ula yaabtay waxa dadkaas ay ku hadlayaan ku tiri: "war Ilaahay ka cabsada!". Waxaa gabadhii usoo jawaabay mid ayaga ka mid ah oo sida muuqata isu qabay inuu yahay qof aad u caqli badan. Wuxuu midkaan soo qoray: "dadkiina muslimiinta ah waxaad Ilaahay ka dhigteen wax horor ah oo laga argagaxo. Waxaad intaas lasoo taagan tihiin Ilaahay ka cabsada. Ilaahay wax laga cabsado ma'ahan, ee Ilaahay waa 'jeceel'". Dabcan kalmadda "jacayl" sidii uu u qoray baan usoo guurinay.
Ninka hadalkaas kor ku qoran iska leh iyo qof walba oo wadadiisa hayana
jawaab kooban oo hadalkaas ku saabsan baan halkaan uga diraynaa. Jawaabtaas oo ah in dhab ahaantii cidda Ilaahay ka dhigaysa hororka laga argagaxo ay tahay cidda ay baybalkooda ku qoran tahay inuu Ilaahay leeyahay indho holaca dabka oo kale ah, lugo maar ama naxaas la kululeeyay u eg, iyo in afkiisana ay kasoo baxayso seef labada dhinacba ka afaysan. Sidaas baybalkiinna ayay ku qoran tahay ee ka fiiriya (Muujinta: Cutubka 1aad qaybtiisa 14aad-16).
jawaab kooban oo hadalkaas ku saabsan baan halkaan uga diraynaa. Jawaabtaas oo ah in dhab ahaantii cidda Ilaahay ka dhigaysa hororka laga argagaxo ay tahay cidda ay baybalkooda ku qoran tahay inuu Ilaahay leeyahay indho holaca dabka oo kale ah, lugo maar ama naxaas la kululeeyay u eg, iyo in afkiisana ay kasoo baxayso seef labada dhinacba ka afaysan. Sidaas baybalkiinna ayay ku qoran tahay ee ka fiiriya (Muujinta: Cutubka 1aad qaybtiisa 14aad-16).
Sidoo kale, cidda Ilaahay hororka laga argagaxo ka dhigaysa waa cidda ay baybaylkeeda ku qoran tahay inuu Ilaahay yahay: wan gowracan oo leh todobbo indhood, madaxiisana ay ka taagan yihiin toddobo geesood. Sidaas baybalkiina ayay ku qoran tahay. Ka fiiriya (Muujinta: Cutubka 5aad qaybtiisa 6aad).
Sifooyinkaas foosha xun oo aad aad Ilaahay (subxaanahu watacaalaa) ka bixiseen cakisgeedna, waxaa Quraanka kariimka ah ku xusan inaysan jirin wax Ilaahay misaal looga dhigo, iyo cid la mid ah toona oo uu ka nasan yahay xumaan oo dhan (ليس كمثله شيء | الشورى:11)
Cidda Ilaahay ka dhigaysa hororka waa cidda ay baybalkeeda ku qoran tahay in danbiga ay waalidiintu galaan uu Ilaahay ka goynayo caruurtooda ilaa saddex fac iyo in ka badanba. Baybalkiina ayay cadaalad darradaas argagaxa leh ku qoran tahay ee ka fiiriya (Bixitaanka: Cutubka 20aad qaybtiisa 5aad). Sifadaas aad Ilaahay ka bixiseen caksigeedna, waxaa Quraanka karimka ah ku xusan inuu qof walba leeyahay wixii uu kasbado oo kaliya (كل امرئ بما كسب رهين | الطور:21). Sidoo kale waxaa Quraanka kariimka ah hal meel ka badan uga xusan qofna inuusan qaadayn danbi uu kasbaday qof kale (ولا تزر وازرة وزر أخرى). Intaas waxaa sii dheer ayadoo naxariista iyo galladda Ilaahay ay ka mid tahay inuu qofkii wanaag sameeyana u toban jibbaaro, kii xumaan gala oo aan ka toobad keenninna uu kala xisaabtamo xumaantaas kaligeed oo waxba aan lagu darin (من جاء بالحسنة فله عشر أمثالها ومن جاء بالسيئة فلا يجزى إلا مثلها وهم لا يظلمون | الأنعام:160)
Cidda Ilaahay aan qadarin oo tusaalaha xun ka bixisayna waa cidda uu bayablkeeda qorayo inuu Ilaahay: dadka uu la xisaabtamayo usoo dhuumanayo sidii tuuggii oo kale. Sidaas waxay qoran tahay baybalkiina. Ka fiiriya (Muujinta: Cutubka 3aad qaybtiisa 3aad & Cutubka 16aad qaybtiisa 15aad). Sidaas cakisgeed waxaa Quraanka kariimka ah ku xusan inuu Ilaahay yahay mid dhimrin badan oo jecel inay adoomadiisa u toobad keenaan. Ma'ahan Ilaah gaatamaya oo jecel inuu dadka xumaan ku gaado. Uma uu baahna inuu sidaas yeelo.
Ilaahay (subxaanahu watacaalaa) ma'ahan mid adoomadiisa gaalnimo la jecel. Wuxuu la jecel yahay iimaan iyo towbad. Wuxuu Ilaahay leeyahay (ولا يرضى لعباده الكفر | الزمر:7). Mana ahan Ilaahay mid u baahan inuu cadaabo adoomadiisa (ما يفعل الله بعذابكم إن شكرتم وآمنتم وكان الله شاكرا عليما | النساء:147).
Markii ay dhacdo inuu Ilaahay ciqaabo cid mudatay ciqaabtiisana, uma uu baahna inuu usoo dhuuntee si bareer ah ayuu u qabanayaa asagoo awood oo dhan ay gacantiisa ku jirto. Ilaahay (subxaanahu watacaalaa) wuxuu leeyahay (ولقد جاء آل فرعون النذر. كذبوا بآياتنا كلها فأخذناهم أخذ عزيز مقتدر | القمر:41-42).
Ilaahay (subxaanahu watacaalaa) marka waa mid awoodda sidaas u dhamays tiran leh, umana ay qalanto marnaba in lagu shabaho tuug soo gaatamaya iyo wan gowracan oo indha badan midna. Cidda siyaabahaas qalloocan wax ugu shabbahaysa Ilaahay, ayaana ah cidda u baahan inay barato xaqiiqada dhabta ah ee Ilaahay (سبحانه وتعالى).
وما قدروا الله حقّ قدره والأرض جميعا قبضته يوم القيامة والسماوات مطويّات بيمينه سبحانه وتعالى عما يشركون | الزمر:67
No comments:
Post a Comment