Kalmadda (Orientalism) waxaa af-soomaali ahaan lagu macnayn karaa (is-reer-bariyayn) ama (reer-bari-iska-yeel). Dabcan reer bariga aan halkaan kaga
hadlayno ma'ahan reer bariga dalkeenna Soomaaliya, ee waa tilmaan reer galbeedka ay ula jeedaan ummadaha ayaga bariga ka xiga kana xadaaradda duwan sida dadka dagan Aasiya. Kalmadda Oreintalism waxay u dhigantaa kalmadda carabiga ah ee (استشراق). Wuxuuna Orientalism-ku tilmaamayaa nooc ka mid ah aqoonta oo xiriir la leh barashada luuqadaha, dhaqanka iyo diimaha ay haystaan umaddaha daga bariga dhexe iyo Aasiya; sida carabta, turkiga, iiraaniyiinta, hindida, shiinayska iwm. Kalmadda Orientalism-kana waxaa laga fiirin karaa laba dhinac:
hadlayno ma'ahan reer bariga dalkeenna Soomaaliya, ee waa tilmaan reer galbeedka ay ula jeedaan ummadaha ayaga bariga ka xiga kana xadaaradda duwan sida dadka dagan Aasiya. Kalmadda Oreintalism waxay u dhigantaa kalmadda carabiga ah ee (استشراق). Wuxuuna Orientalism-ku tilmaamayaa nooc ka mid ah aqoonta oo xiriir la leh barashada luuqadaha, dhaqanka iyo diimaha ay haystaan umaddaha daga bariga dhexe iyo Aasiya; sida carabta, turkiga, iiraaniyiinta, hindida, shiinayska iwm. Kalmadda Orientalism-kana waxaa laga fiirin karaa laba dhinac:
- Dhinaca koowaad wuxuu ku saabsan yahay Orientlasim-ka ka cilmi ahaan waana midka aan kor kusoo tilmaannay.
- Dhinaca labaadna wuxuu ku saabsan yahay bulshada caanka ku ah barashada cilmigaas. Bulshadaas oo ah reer galbeedka oo ayaga dhexdooda ay ku dhalatay kalmadda Orientalism ama diraasaynta reer bariga ama is-reer-bariyaynta.
Inkastoo Orientalism-ka uu macne ahaan ku wajahan yahay bulshooyinka reer Aasiya iyo bariga dhexe, hadana kalmaddaan xaqiiqo ahaan cidda ay sida tooska ah ugu wajahan tahay
waa dunida muslimka. Middaas waxaa markhaati ka ah sida dadka reer galbeedka ah ee aqoontaan caanka ku ah intooda badan ay u yihiin kuwo sheegta inay ku xeel dheer yihiin aqoonta diinta Islaamka iyo taariikhda ummadaha muslimka ah, waxna uga qoraan arrintaas. Sidaas darteed markii wax laga qorayo Orientalism-ka, islamarkiiba macnaha kalmadda wuxuu isugu soo ururayaa diraasaynta ay reer galbeedku diraaseeyaan muslimiinta iyo diintoodaba. Hadii ay diraasayntaas ahaan lahayd mid dhanka diinta ku kooban (theological), hadii ahaan lahayd dhanka ijtimaaca (social) ama hadii ay tahay dhanka siyaasada ah (Political). Almuhim, kalmadda Orientalism macneheeda dhabta ah waa barashada ay reer galbeedku bartaan oo diraaseeyaan diinta iyo taariikhda dunida muslimka.
waa dunida muslimka. Middaas waxaa markhaati ka ah sida dadka reer galbeedka ah ee aqoontaan caanka ku ah intooda badan ay u yihiin kuwo sheegta inay ku xeel dheer yihiin aqoonta diinta Islaamka iyo taariikhda ummadaha muslimka ah, waxna uga qoraan arrintaas. Sidaas darteed markii wax laga qorayo Orientalism-ka, islamarkiiba macnaha kalmadda wuxuu isugu soo ururayaa diraasaynta ay reer galbeedku diraaseeyaan muslimiinta iyo diintoodaba. Hadii ay diraasayntaas ahaan lahayd mid dhanka diinta ku kooban (theological), hadii ahaan lahayd dhanka ijtimaaca (social) ama hadii ay tahay dhanka siyaasada ah (Political). Almuhim, kalmadda Orientalism macneheeda dhabta ah waa barashada ay reer galbeedku bartaan oo diraaseeyaan diinta iyo taariikhda dunida muslimka.
Taariikh ahaanna, inay reer galbeedku isku dayaan diraasaynta xadaaradda Islaamka waxaa bilow u ahayd cabsida ay kaniisadda kaatooligga ah ee saldhigeedu yahay Roma ka qabtay faafitaanka Islaamka tan iiyo qarnigii 7aad ee miilaadka. Wadooyinkii ugu horreeyay ee ay kaniisaddaas u martay ka hor tagga diinta Islaamka waxaa ka mid ahaa faafinta iyo abuurista baroobagaando ka dhan ah Islaamka. Baroobagaandadaas oo u badnayd cay iyo aflagaaddo qayaxan oo kaniisadaan ay ka shaacin jirtay nabi Muxammad (nabadgalyo iyo naxariis duhsiisa ha ahaadeene) iyo diint Islaamkaba. Shakhsiyaadka ugu caansan oo kaniisaddaas ka mid ah, xadaaradda Islaamkana wax ka bartay waxaa ka mid ah ( Pope Sylvester II ) oo kaniisadda baadariga ugu sarreeya ahaa inta u dhaxeysay 999-1003 ee miilaadka. Baadarigaan wakhtigiisii ayayna soo bilowdeen isku dayadii ugu horreeyay ee reer galbeedka.ee ku saabsanaa barshada iyo diraasaynta Islaamka. Waxaana middaas looga dan lahaa in la kala dhex istaago bulashada reer galbeedka ah iyo diinta Islaamka, ayadoo la hor dhigayo bulshadaas macluumaad aad u khladan oo diinta Islaamka ku saabsan. Orientalism-ka marka sidaasuu ku dhashay, wixii wakhtigaas ka dambeeyayna wuu sii xoogaystay.
Orientalism-ka ama istishraaqu waji cusub oo casri ah ayuu yeeshay intii ka dambaysay qarnigii 18aad dhamaadkiisii oo ah wakhtigii ay burburtay awooddii siyaasadeed ee kaniisadda Roma ay ku dhex lahayd bulshooyinka reer galbeedka ah. Ayadoo wakhtigaas ay dhalatay dowladda cilmaaniga ah oo aan kaniisadda ka amar qaadan. Inkastoo Orientalism-ka uu soo hoos galay maamulka dowladaha cilmaaniga ah ee reer galbeedka, hadana sidaasoo ay tahay wuxuu ku guulaystay inuu isku garab wado adeegga uu dowladahaas u hayo iyo xiriirkiisii taariikhiga ahaa ee kaniisadda uu la lahaa. Sidaas darteed, ragga ugu caansan Orientalists-kii qarnigii aan soo dhaafnay ee 20aad waxaa laga dhex heli karaa qaar dhinacna uga adeegayay dowladaha cilmaaniga ah, dhanka kalena uga adeegayay kaniisadda sida Samuel Zwemer iyo Douglas Dunlop.
Waxa uu Orientalism-ka cusub uga duwan yahay kii hore ee kaniisaddana waa yadoo midka casriga ah uu ka fogaaday luuqaddii ahayd aflagaaddada qayaxan ee kaniisaddu ay adeegsan jirtay markii ay diinta Islaamka ka hadlayso. Sidaas caksigeed, Orientalism-ka casriga ah wuxuu adeegsaday luuqad inta badan muuqaal ahaan daggan oo kusoo gabanaysa wax u eg aragti cilmiyeed laakiin salka ku haya nacayb aad u fog oo Islaamka ka dhan ah. Sidaas darteed, Orientalism-ka carsiga ah kahatartiisa kuma aysan ekaan inuu reer galbeedka ka fogeeyo diinta Islaamka, oo middaas waxaa usii dheer asagoo ku guulaystay inuu dad badan oo muslimiin sheeganaya ka hor keeno diintooda oo qalbigoodana shaki aad u wayn ku abuuro.
Orientalism-kana guud ahaan markuu diinta Islaamka falanqaynayo wuxuu xoogga saaraa inuu fikradahaan soo socda faafiyo.
- Shaki in la galiyo toosnaanta caqiidada Islaamka ayadoo la leeyahay Islaamka waxaa lagasoo koobiyeeyay diimihii ka horreeyay asaga sida nasraaniyadda iyo tan yuhuudda. Sidoo kale inkiraadda nabinimada nabi Muxammad (nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaadeene), ayadoo lagu andacoonayo inuu nabigu ahaa siyaasi watay mashruuc qomiyadeeda oo carabta kaliya khuseeya.
- In lagu been abuurto nabiga iyo saxaabadiisaba, islamarkaasna muuqaalka laga dilo taariikhda Islaamka ayadoo la inkirayo wanaagga uu Islaamku kusoo kordhiyay dunida iyo sidii ay muslimiintu uga qayb qaateen horumarinta cilmiga.
- In laga andacoodo in diinta Islaamku ay tahay diin ku dhisan dhiigyacabnimo iyo kharribaad.
- In lagu andacoodo inuusan Islaamku ahayn diin hagi karta nolosha mujtamacaadka, islamarkaasna inuusan lahayn qawaaniin asaas u noqon karta nolol xadaari ah.
- In si aan kala go' lahayn loogu celceliyo in diinta Islaamku ay u daran tahay haweenka oo xorriyadana ay ka qaadayso, gacan-bidixaynna ku hayso.
- In lagu andacoodo in diinta Islaamku ay tahay diin carbeed oo ku haboon bay'adda carbeed ee saxaraha ah.
- In been laga sheego taariikhda qoritaanka iyo xafididda Quraanka iyo axaadiista nabiga (NNKH). Arrintaanna waxaa sabab u ah ayadoo mustashriqiintu ay ka xun yihiin sida Quraanka uu uga badbaaday badalidda iyo taxriifinta, iyo sida muslimiinta ay uga taxadareen una xafideen axaadiista nabigooda. Waxay doonayaan inay Quraanka iyo axaadiistaba muran galiyaan, maxaa yeelay waxaa ciil badan ku haya sida kitaabkooda baybalka loo taxriifiyay oo taariikhdiisana uu mugdiga uga buuxo.
- In si joogto ah laysugu dayo in muslimiinta laga dhaadhiciyo in hadii ay rabaan inay horumaraan ay isaga tagaan dhaqanka Islaamka kagana daydaan reer galbeedka dhinac walba oo nolosha ah 1.
Orientalism-kuna wuxuu ahaa albaabka koowaad oo cilmaaniyadda ay kasoo gashay dunida muslimka. Middaasna waxaa sabab u ahaa ayadoo ay mustashriqiintu gacan wayn ka siiyeen isticmaarkii reer galbeedka dib-u-dajinta nadaamka wax-barasho ee wadammada muslimka ah oo isticmaarkaas uu qabsaday. mustashriqiinta sida tooska ah xiriirka ula lahaa isticmaarka ree galbeedkana waxaa ka mid ah Louis Massignon oo u shaqayn jiray wasaaridii mustacmaraadka ee faransiiska, iyo sidoo kale Douglas Dunlop oo asna gumaysigii ingiriiska gacan wayn ka siiyay inuu nadaamka wax-barashada ee dalka Masar mid cilmaani ah ka dhigo.
Xiriirkii ka dhexeeya dowladaha reer galbeedka ah iyo Orientalism-kana kuma uu eka wakhtigii isticmaarka oo kaliya balse wali waa mid taagan. Dowladaha wreer galbeedka ahna si wayn ayay wali ugu tiirsan yihiin Orientalism-ka ayagoo mustashriqiinta kala tashada siyaasadahooda ku wajahan dunida muslimka. Shakhsiyaadka wakhtiga xaadirka calanka u sida arrintaasna waxaa ka mid ah Bernard Lewis iyo Daneil Pipes oo dowladaha reer galbeedka ay si wayn ugala tashadaan arrimaha la xiriira dunida muslimka. Gaar ahaanna wixii ka dambeeyay qaraxyadii 11kii Sep ee ka dhacay dalka Maraykanka.
______________________________________
[1] Qodobadaas oo faahfaahsan intaasna ka badan waxaa laga heli karaa kitaabka uu qoray Muxammad Qutb oo la yiraahdo (المستشرقون والإسلام). Sidoo kale kutubta faa'iidada badan oo arrintaan ku saabsan waxaa ka mid ah kitaabka la yiraahdo (الاستشراق والمستشرقون .. ما لهم وما عليهم), waxaana qoray Dr. Mustafa Assubaaci.
No comments:
Post a Comment