Marnaba lama inkiri karo in Soomaaliya ay ka taagan yihiin duruufo aad u adag oo saamayn qallafsan ku yeeshay inta badan mujtamaca soomaaliyeed. Saamayntaas oo qofba heer u joogta, islmarkaasna loo kala nugul yahay. Duruufaha nololeed ee aadka udag, kana jira dalkii waxay albaabada u fureen inay dalkii kusoo qulqulaan hay'ado iyo ururro intooda badan wata mashaariic dusha kore gargaar kaga magacaaban, laakiin hadana aan ka marnayn ajandayaal qarsoon. Wax-garadka soomaaliyeed marka waxaa la haboon inay si qotodheer u daba galaan wadooyinka ay hay'adahaas u marayaan fulinta mashaariicdooda ay dalka ka wadaan. Inay ogaadaan nooca uu yahay xiriirka ay la leeyihiin bulshada soomaaliyeed. Iyo sidoo kale in la ogaado mowqifka ay ka taagan yihiin hay'adahaan iyo ururradaan diinta Islaamka oo ah diinta shacabka soomaaliyeed.
Hay'adahaan iyo ururradaan waxay inta badan si toos ah xiriir ula leeyihiin bulshada soomaaliyeed qaybeheeda aadka u tabaalaysan oo faqkhriga iyo aqoon-la'aantu ay harqiyeen. Waxaana dabeeci ah in qofka ay isu raacaan fakhriga iyo aqoon la'aantu uu noqdo
qof u nugul mashaariicda ay wataan hay'adaha sida qarsoon u faafiya diinta kiristaanka. Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in laga foojignaado halista ay hay'adahaas ku hayaan dadkaas tabaalaysan ee ayaga maciinka biday. Waxaan kula talinaynaa wax-garadka jooga meelaha ay ha'adahaas ka howl galaan inay si toos ah xiriir ula yeeshaan hay'adahaas iyo dadka ay caawinayaan labadaba. Ayagoo xiriirka ay hay'adaha la sameenayaan uga faa'iidaysanaya inay ogaadaan qaabka ay hay'adahaas u shaqaynayaan iyo sida ay u fulinayaan howl maalmeedkooda ku wajahan dadka tabaalaysan ee ay sheegayaan inay caawinayaan. Dhanka kale xiriirka lala yeelanayo dadka tabaalaysan ee hay'adahaas ku xiran waa in looga faa'iidaysto wacyi-galinta iyo baraarujinta dadkaas, ayadoo loo jeedinayo waanooyin sii xoojinaya caqiidadooda, islamarkaasna looga digayo halista ay leeyihiin hay'adaha wata ajaandayaasha qarsoon ee la xiriira kiristaamaynta muslimiinta.

Qofka faqiirka ah ee gacanta ugu jira hay'ad shisheeye ama shakhsiyaad magac soomaaliyeed wata laakiin ajaandayaal qarsoon wata: qofka dadkaas gacantooda ku jira kuna tiirsan taakulooyinkooda waa qof u nugul in diintiisa laga fitneeyo, halis waynna ku ah mujtamaca intiisa kale markii lagu guulaysto in qofkaas lagu qanciyo inuu diinta ka baxo. Sidaas darteed waxaan ka coodsanaynaa wax-garadka iyo culimadeenna inay booqdaan meelaha ay hay'adahaas ka howl galaan, oo dadka soomaalida ah oo halkaas ku suganna u jeediyaan muxaadarooyin diini ah iyo wacyi-galin dhanka caqiidada ah. Middaas marnaba xad-gudub kuma aha hay'adaha sheegta inay wax taakulaynayaan. Sababtoo ah mujtamaca soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay inuu asaga dhexdiisa is wacyi galiyo oo is baraarujiyo. Hay'adahaas marka ayagoo howlahooda gargaarka dhinac ka wata, ayaa hadana culimadana dhanka kale ka wadi karaan wacyi-galintaas daruuriga u ah caqiidada iyo islaannimada mujtamaca soomaaliyeed.
Waa xaqiiq arrintan aad ka hadashay waana muhiin weyn in si laxaad leh looga hor tago hay'adaha dhibaatada ka wada dalka iyadoo la ogyahay mi awal ilaa aakhir inay dhamaantood yihiin dhagarta islaamka, wax cusubna maaha waa mashruuc ballaadhan oo soo socday ilaa muddo ku siman 300 sano, maantana ay guranayaan midhaheedii oo aan indhaha laga qarsanayn sidaa baaxadda leh ee ay soomaali u gacan gashay, dadaal iyo wacyi galin in la sameeyo ayaa wacan iyadoo aafo kalena dhan kale inagaga jirtoo oo ah kuwo ay gaaladu ka dambeyso oo ah (religion reformers) waa kuwa islaamka sheeganaya ee diinta bedelaya sida Al-shabaab oo kale iyo kuwo badanoo kaleba, tii ilaahayna waa meesheeda
ReplyDelete