Miishinari ama (Missionary) waa kalmad tilmaamaysa howlaha qorshaysan ee la xiriira fidinta diinta kiristaanka. Howlahaas oo ah kuwo ay fulinayaan kaniisadaha kala haysta madaahibta kala duwan ee diinta kiristaanka. Waxaa kaniisadahaas mideeya urur loo yaqaan Golaha Caalamiga ah ee Kaniisadaha (World Council of Churches) oo la sameeyay sannadkii 1948. Howlaha miishinarigana inkastoo ay guud ahaan yihiin kuwo ku wajahan ummadaha aan kiristaanka ahayn, hadana waxay si gaar ah xoogga ugu saarayaan dunida muslimka. Taasoo uu sabab u yahay dagaalka dheer oo ay kaniisduhu kula jiraan diinta Islaamka.
Tirada ururrada u heellan inay wax kiristaameeyaan ee maanta dunida ka jirana waxaa lagu qiyaasaa ilaa 24580 urur oo ka howl gala wadammo kala duwan oo ay ku nool yihiin dad aan kiristaan ahayn. Ugu yaraan labaatan kun oo ururradaas ka mid ah waxay howlohooda miishinariga ku qariyaan adeegyada ku magacaaban gargaarka sida tacliinta iyo caafimaadka. Ayagoo muuqaal ahaan
ku howl galaya inay wadaan adeegyadaas, laakiin xaqiiqa ahaan hoosta ka wada kiristaamayn qorshaysan oo joogta ah.
Waxaa ururradaas ka howl gala 273770 qof oo isugu jira rag iyo dumar, howshooduna ay tahay inay dad cusub soo galiyaan diinta kiristaanka. Dadka intaas tira le'egna waxay ka howl galaan inta badan dalalka muslimiinta iyo wadammada kale oo aan haysan diinta kiristaanka. Afrika kaligeedna, waxaa ka jira ugu yaraan 500 oo machad oo soo saara dad takhasuskoodu uu yahay inay faafiyaan diinta kiristaanka.
Waaxda miishinariga ah ee raacsan Vatican-kana waxaa hoos taga ilaa 58 kun oo iskuul iyo 26 kun oo isugu jira macaahid iyo jaamacado.
Ururradaas howlaha miishinariga u taaganna waxaa garab socda ugu yaraan 1900 oo idaacadood oo ayagana isla shaqadaas haya, kuna wajahan ilaa boqol wadan oo dunida ku kala firirsan. Ayagoo dal walba kula hadlaya luuqadiisa.
Tabarrucaadka ay sannad walba helaan ururradaasna waxay gaarayaan ilaa 150 billion oo doolar oo ay ka helaan dowladaha iyo shucuubta reer galbeedka ah. Sidoo kale ururradaas waxay helaan cafis dhanka canshuurta ah, ayagoo la siinayo aqoonsi ah inay yihiin hay'ado fuliya howlo gargaar la xiriira.
Ururrada mishiinarigana waxaa dhanka diraasaadka iyo baaritaannada ka caawiya macaahid kala duwan oo dhamaantood u taagan diraasaynta ummadaha aan kiristaanka ahayn, gaar ahaanna muslimiinta. Waxaana macaahiddaas kuwooda ugu caansan ka mid ah machadka Samuel Zwemer ee diraaseeya muslimiinta iyo xaaladahooda (Zwemer Center for Muslim Studies). Howsha machadkaanna waa inuu siiyo hay'adaha iyo ururrada miishinariga ah talooyin la xiriira sidii ay u kiristaamayn lahaayeen muslimiinta iyo dalalka loo baahan yahay inay ka howl galaan.
___________________________
wallahil cadiim waa nalagu soo duulay heer waxay ku dhowyihhin ay cadaystaan mission kooda qofki isku dayi karana ha daraaseeyo dadka kalena ha ooga digo
ReplyDelete