Tuesday, October 30, 2012

Hala Xasuusiyo

Tuhmooyinka ay kiristaanka iyo dadka kale oo aan muslimka ahayn ku dacaayadeeyaan Islaamka waxaa ka mid ah in nabiga (NNKH) uu dad xanuunsan ku daweeyay caanaha iyo kaadida geela. Arrinta ay gaar ahaan  jecelyihiin inay tuhmadda ka dhigaanna waa tan ku saabsan kaadida geela, ayagoo leh: see u dhici kartaa in nabigiinnu uu xoolo kaadidood wax ku daweeyo?
Premarin
Premarin waa dawo laga sameeyo
 kaadida fardaha
Dadka dacayaadadaas wada waxyaabaha ay cusknayaan waxaa ka mid ah xadiis saxiix ah oo uu wariyay Allaha ka raalli noqdee Aanas Ibnu Maalik oo sheegaya in nabiga (nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaadeene) uu amray dad magaalada Madiina intay la qabsan waayeen ku xanuunsaday inay aadaan nin nabiga geel-jire u ahaa, kadibna inay cabaan caanaha iyo kaadida geela uu ninkaas raaco. Dadkii ayaga ahaa sidii bay yeeleen, Ilaahayna waa caafiyay oo xanuunkii ay qabeen waa ka caafimaadeen1.

Culimada Islaamka iyo wax-garadkiisuba marka jawaab wanaagsan ayay siiyeen dadka jecel inay ku duraan Islaamka isku-dawaynta kaadida geela. Waxyaabaha looga jawaabay dacaayadaha ay dadkaas la wareegayaanna waxaa ka mid ah:
In dhab ahaan ay dawoobeen dadkii uu nabigu kula taliyay inay cabaan kaadida geela. Qofka ku dhagaya marka in nabiga uu dad xanuusan kula taliyay inay isku daweeyaan xoolo kaadidood; hadii waxa ay ku dhagan yihiin ay tahay inaan lagu dawoobi karin geela kaadidiisa, ha wada akhriyeen xadiiska si ay urkaan qaybtiisa sheegaysa inay dadkii lagu daweeyay arrintaas caafimaadeen. Hadii aysan dadkaas rumaysnayn dhacdadaas ay saxaabadii inoo soo wariyeenna, ha rumeeyeen in wakhtiga xaadirka arrintaas laga qaaday tijaabo cilmayaysan oo lagu dhex qaaday jaamacadda la yiraahdo University of Gezira (جامعة الجزيرة) oo ku taal dalka Suudaan. Waxaa tijaabadaas sameeyay barafasoorro ku xeel dheer aqoonta caafimaadka. Dad xanuunsan oo calool-barar qaba ayayna si wanaagsan ugu daweeyeen caanaha iyo kaadida geela oo wada jira, mudo 15 maalmood guduhood ah.

Hadii kale oo dadka Islaamka arrintaan ku duraya ay gabi ahaanba inkirsan yihiin in kaadi wax lagu dawyan karana; waxaa dadkaas la xasuusinayaa inay is waydiiyaan oo soo ogaadaan waxa ay ka samaysan tahay daawada magaceeda la yiraahdo (Premarin) oo lagu daweeyo haweenka ay ku yaryihiin hormoonnada (Estrogens-ka) ee dhedignimada la xiriira. Waxay daawadaas ka samaystan kaadida fardaha dhedigga ah ee rimman. Dadka Islaamka ku daraya marka in geel kaadidiis la'isku dabiibi karo, sidee bay u arkaan dawooyinka ay shirkadaha waawayn ee reer galbeedka ka samaynayaan kaadida fardaha?

Hadii sababta dadkaas ay Islaamka u durayaan ay tahay: sidee axaadiistiina loogu dhex xusi karaa in qof banii aadam ah la amro xoolo kaadidood inuu cabbo; jawaabta dadkaas aan muslimiinta ahayn la siinayo waxay tahay: Su'aashaas intaydaan muslimiinta waydiin waxaa fiican inaad marka hore su'aal middaas la mid ah iska waydiisaan waxa baybalkiina ku qoran (waa hadii aad tihiin kiristaan ama yuhuud). Hadaydaan ahaynnna, kiristaanka iyo yuhuudda wax ka waydiiya waxa baybalkooda ku qoran. Waxaa baybalka qaybtiisa cahdiga hore  ku qoran hadlkaan soo socda:
"Oo waxaad cunaysaa kackac qamadi ah oo aad ku dubtay saxarada dadka kasoo baxda, oo waxaad ku dubaysaa indhahooda hortooda. Rabbigu wuxuu yiri: sidaas ayay reer banii israa'iil ugu dhex cuni doonaan kibstooda nijaasowday umaddaha aan dhankooda u eryi doono." (Ezekiel. Cutubka 4aad. Qaybihiisa 12 ilaa 13.

Sidee qof ay hadalladaas ku qoran yihiin baybalkiisa ugu caayi karaa muslimiinta in diintooda lagu xusay in kaadida geela la'isku dawayn karo?

________________________________________
(1)عن أنس رضي الله عنه أن ناسا اجتووا في المدينة فأمرهم النبي صلى الله عليه وسلم أن يلحقوا براعيه يعني الإبل فيشربوا من ألبانها وأبوالها فلحقوا براعيه فشربوا من ألبانها وأبوالها حتى صلحت أبدانهم ...إلى آخر الحديث

No comments:

Post a Comment