Tuesday, September 4, 2012

Baybalka

Baybalka ama (Holy Bible) waa buugga asaaska u ah diinta kiristaanka. Maqaamka uu buuggaan ku leeyahay dadka kiristaanka ah agtooda, wuxuu la mid yahay maqaamka uu kitaabka Quraanka kariimka ah ku leeyahay muslimiinta agtooda..

Wuxuu ka kooban yahay baybalku labo qaybood oo la kala yiraahdo Cahdiga Hore iyo Cahdiga Cusub (axdiga hore iyo axdiga cusub).

Cahdiga Hore waa inta ay kiristaanku ka qaateen buugga yuhuudda ay hasytaan oo ay yuhuuddu aaminsan tahay inuu yahay towraaddii uu Ilaahay kusoo dajiyay nabi Muuuse (nabadgalyo korkiisa ha ahaatee). Cahdiga Cusubna sida ay kiristaanku aaminsan yihiin waa injiilkii ama (bishaaradii) uu la yimid Ciise-masiix oo ay kiristaanku aamisan yihiin inuu yahay wiilka Ilaahay, islamarkaasna uu asaguna yahay ilaah. Injiilkaas oo sida kiristaanku ay aaminsan yihiin cidda soo guurisay ay tahay arady iyo awliyo isugu jira qaar uu wax baray Ciise-masiix iyo qaar asaga kadib yimid oo uu u waxyooday si'ay u qoraan bishaarada injiilka.

Cahdiga Cusub iyo Cahdiga Hore oo wada jira ayaa marka la isku yiraahdaa (Baybal). Markii bayalkaas la furo oo labada qaybood oo uu ka kooban yahay
midba gooni la isu dul taago waxay kala yihiin sidatan:

1- Cahdiga Hore oo ka kooban 45 (sifar ama buug) oo usii kala jabta 5 qaybood, oo qayb walboo ka mid ah ay leedahay tilmaan ka mid ah tilmaamaha soo socda:
(a) Sifarrada ama buugaagta shanta ah ee shareecadii nabi Muuse (Bilowga, Bixitaanka, Laawiyiinta, Tirinta, Ku-celinta sharciga).
(b). Sifarro taariikhi ah.
(c). Sifarro gabay ah.
(d). Sifarrada nabiyada.
(e). Sifarro la xiriira jihayn iyo tacliin.

Dhanka kale, Cahdiga Cusub wuxuu ka kooban yahay 3 qaybood oo usii kala jajabaysa 27 buug oo kala ah:
(a). Sifarrada afarta injiil (Matayos, Markos, Lukos, iyo Yooxana [Matthew, Mark, Luke, John]) + (buugga howlihii rasuullada).
(b). Sifarro ama buugaag tiradoodu ay tahay 21 oo xambaarsan farriimo iyo jihayn la xiriira diinta kiristaanka.
(c). Buugga dheelminta ama (muujinta). Buuggaas oo gudihiisa ay ku qoran yihiin waxyaabo uu ku riyooday (Yooxana/John). Dabcan kiristaanka ayaa aaminsan in ninkaas uu riyadaas arkay.

Baybalkana, qaybahaas tirada badan oo kala duwan oo uu ka kooban yahay waxaa ugu muhiimsan oo laf-dhabar u ah afarta buug oo la'isku yiraahdo afarta injiil. Afartaas buug oo ay kala qoreen afarta qof oo kor aan kusoo marnay (Matayos, Markos, Lukos, Yooxana). Waxaana afartaas buug gudahooda ku qoran dhacdooyin la xiriira - sida ay aamisan yihiin kiristaanku - noloshii iyo ficilladii Ciise-masiix.
Sida ay aamisan yihiin dadka kiristaaka ahna, waxay afartaas buug markhaati u yihiin inuu Ciise-masiix yahay wiilka ilaahay. In asaga laftrikiisu uu yahay ilaah. Inuu qayb ka yahay sadex-geeska muqaddaska ah (Holy Trinity) oo la isku yiraahdo (Aabaha, Wiilka, iyo Ruuxa quduuska ah).Waxay kiristaanku aaminsan yihiin in sadex-geeskaas oo wada jira ay isla yihiin "hal" ilaah . In Ciise-masiix uu dunida u yimid si dhiigiisa loo daadiyo oo loogu furto banii-aadamka rumeeya ilaahnimadiisa. In Ciise-masiix la dilay oo uu ku dil dhintay isku-tallaabta, saddex maalmood kadibna uu soo nooladay oo samada dhankeeda uu aaday, oo halkaas uu la joogo aabbihiis.

Mid walboo afartaas buug ka mid ahna, waxaa jira muran ka taagan taariikhda la qoray, ama luuqadda asalka ah oo lagu qoray iyo xaqiiqo ahaan cidda qortay intaba. Matalan buugga (Matayos) waxaa lagu muransan yahay taariikhda la qoray oo ma jirto cid si sugan u goyn karta taariikhda la qoray; ma waxaa la qoray lixdamaadkii qarnigii koowaad ee miilaadka? Ma wakhtigaas ka hor? Ma wakhtigaas kadib? Waxaa kale oo muran ka taagan yahay luuqadda asalka ah oo buuggaan lagu qoray. Ma waxaa lagu qoray luuqaddii cibraaniyiinta mise luuqad kale? Waxaa kale oo ayadana lagu muransan yahay cidii tarjuntay oo kasoo guurisay luuqaddii asalka ahayd oo lagu qoray.
Sidaas si la mid ah muran ayaa ka taagan cidda qortay buugga ku magacaaban inuu qoray (Markos). Mana jirto cid si go'an u xaqiijin karta inuu buuggaas qofka qoray yahay Markos. Waxa kale oo aan si xaqiiqa ah loo sheegi karin taariikhda buuggaas la qoray.
Waxaa kale oo lagu muransan yahay taariikhda ninka ku magacaaban qoritaanka buugga saddexaad ah oo ah injiilka (Lukos). Waxaanan la garanayn taariikhda uu ninkaan qaatay diinta kiristaanka, iyo inta uusan bilaabin qoritaanka buugiisa waxa ay shaqadiisu ahaan jirtay. Ma wuxuu ahaa dhakhtar, mise xirfad kale ayuu lahaa? Waxaa ayadana aan la aqoon taariikhda la qoray injiilka Lukos.
Intaas oo dhan waxaa ka wayn shakiga iyo muranka ka taagan cidda qortay buugga ama injiilka afaraad oo ku magacaaban inuu qoray (Yooxana ama Yaxye). Aad iyo aad ayaa shaki looga qabaa in cidda buugaas qortay ay tahay cidda ku magacaaban. Waxaa kale oo hadana aan la aqoon taariikhda buuggaas la qoray.
Intaas waxaa sii dheer in afartaas buug oo la'isku yiraahdo (afarta injiil) ay ayaga dhexdooda iska hor imaanayaan marar badan, oo ay dhacdo in ay hal arrin siyaabo kala duwan oo is duqaynaya wax uga kala qoraan.

Si kasta oo muran uu uga taagan yahay taariikhda iyo shakhsiyaadka qoray afartaas buug, iyo sidoo kale si kasta oo ayaga dhexdooda ay isu duqeeyaanna, waxaa meesha ku jirta in dadka kiristaanka ah ay aamisan san yihiin in waxa ku qoran buugaagtaas gudahooda uu yahay waxyi ka yimid Ilaahay xagiisa. Ilaahaas oo dabcan ay rumaysan yihiin inuu yahay Ciise-masiix.
Guud ahaanna, markii laga hadlayo baybalka, waxaa muuqata in waxa laga hadlayo uusan ahayn hal kitaab oo hal dhinac ka yimid; balse sidaas cakisgeed waxaa laga hadlayaa buugaag badan oo gaaraya ugu yaraan 72 buug. Kuwaas oo wakhtiyo kala duwan la qoray, shakhsiyaad kala duwanna ay qoreen oo lagu aruuriyay hal buug gudihiis kadibna hal magac loo bixiyay.

No comments:

Post a Comment