Waxaa jira websiteyo badan oo ay kala leeyihiin dalal iyo hay'ado kala duwan oo si ka badbadis ah wax uga qora arrimaha ku saabsan shakhsiyaadka soomaalida ah ee diinta kirishtaanka qaata. Waxay websiteyadaas isugu jiraan qaar raacsan war-baahin la yaqaan oo caan ah iyo qaar kale oo ay leeyihiin hay'ado sheeganaya inay u doodaan xuquuqda dadka kirishtaanka ah oo "dulman".
Website-yadaan markii ay ka hadlayaan arrimaha la xiriira soomaalida ay sheegayaan inay kirishtaameen oo aarintaas darteedna ay cadaadis kula kulmaan; waxaa qoraalladooda aad looga dhadhaminayaa dacaayad iyo af-lagaaddo ka dhan ah diinta Islaamka iyo shacabka soomaaliyeedba. Dabcan hadii ay jiraan dad dulman, cid walba oo cadaalad-raadis ah bay waajibkeeda tahay inay u hiilliso; gaar ahaanna hadii ciddaas hiillinaysa ay isku diin yihiin dadka la leeyahay waa dhibaataysan yihiin. Laakiin waxaa hadana meesha ku jirta inaysan sinnaba u haboonayn, wax aad u xunna ay tahay in cid sheeganaysa inay cadaalad doon tahay, ay ka dhigato wadadii ay cadaalladaas ku gaari lahayd xad-gudub qayaxan iyo
aflagaaddo aan loo meel dayin oo dusha laga saaro shacab aan waxba galabsan iyo diintiisaba. Waddadaan oo ah midda ay qaaddo warbaahinta wax ka qorta soomaalida la sheego inay kirishtaamoobeen.
aflagaaddo aan loo meel dayin oo dusha laga saaro shacab aan waxba galabsan iyo diintiisaba. Waddadaan oo ah midda ay qaaddo warbaahinta wax ka qorta soomaalida la sheego inay kirishtaamoobeen.
Tusaalooyinka waawayn oo arrintaan la xiriirana waxaa ka mid ah maqaal ku qoran website la yiraahdo (Christian Post) oo sida magaciisaba ka muuqata wax ka qora arrmaha diinta kirishtaanka. Maqaallada dalka Soomaaliya ku saabsan oo websit-kaas ku jira waxaa ka mid ah maqaal cinwaan looga dhigay "Somalia's Christians plead for Prayers During Ramadan" oo macnehddu yahay "kiritshtaanka Soomaaliya oo codsanaya in loo soo duceeyo bisha Ramadaan inta lagu jirto". Cidda la leeyahay ducay ka rabaanna waa dunida kirishtaanka ah oo dhan. Sababta ay u doonayaan in loo duceeyana waxaa la leeyahay waa ayagoo ka cabsi qaba in la laayo bisha Ramadaan.
Dabcan ma qarsoona aflagaaddada iyo marin-habaabinta uu cinwaanku xambaarsan yahay. Waxaana si cad u muuqata in qofkii hadalkaas qoray uu doonayo inuu ka bixiyo bisha Ramadaan ee barakaysan iyo shacabka soomaaliyeedba muuqaal aad u foolxun oo ah in bisha Ramadan ay tahay bil sabab u ah dhiigyacabnimo iyo in shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah uu bishaas barakaysan uga faa'iidaysto inuu laayo dadka aan diinta Islaamka haysan ee dhexdiisa ku nool.
Maqaalkaas borobagaandada iyo aflagaaddada isugu jira waxyaabaha uu lasoo shir tagay waxaa ka mid ah qiso uu leeyahay waxay ku dhacday qof soomaali ah oo kirishtaan ah oo ku sugan Soomaaliya gudeheeda. Sida muuqatana maqaalku muusan xusin magaca qofka iyo halka uu Soomaaliya kaga nool yahay toona, ayadoo middaas cillad looga dhigayo in qofkaas noloshiisa loo baqayo. Sidaas darteedna haybtiisa la qariyay.
Arrinta uu maqaalku qofkaas aan haybta lahayn ka warinayo ayaa waxay tahay in shakhsigaas asaga ah uu cabsi daraadeed la qarinayo diintiisa oo muslimiinta isku dhex qarinayo si'aan loo garan. Ayadoo ay danta ku khasabtay inuu muslimiinta la tukado asagoo aan diintooda haysan. Wuxuu maqaalkaas sidoo kale qofkaan aan magaca lahayn kasoo warinayaa in mar uu qofkaas muslimiinta la tukanayay uu imaamka salaadda dadka tujiyay ammaanay dadkii gaystay qaraxyadii ka dhacay Kamapla sannadkii 2010kii. Markii uu imaamku ammaanay dadkaas argagixisada ahna in dadkii kale oo masaajidka ku jiray ay hal mar wada qayliyeen ayagoo leh "Allaahu akbar!".
Waxaana muuqata in qofkii maqaalkaas borobagaandada ah qoray ay ka hoos baxday inuu garto in qisooyinka noocaan ah ee isku xiraya cibaadada muslimiinta iyo fal-danbiyeedyada ay gaystaan dadka danbiilayaasha; in qisooyinka noocaas ah horay loo adeegsaday oo hadana ay kashifmeen, cid laga gadi karana inaysan jirin. Shakhsiyaadka ku caan baxay suuq-gaynta qisooyinka been-abuurka ah oo noocaan ahna waxaa ka mid ah naag magaceeda la yiraahdo (Wafa Sultan) oo asal ahaan dalka Suuriya kasoo jeedda. Naagtaan oo kusoo caan baxday inay si joogta ah u dacaayadayso diinta Islaamka, kana aflagaadayso telefinshinada iyo shirarka ay qabtaan dadka ayada lamidka ah oo Islaamka neceb. Waxay (Wafa Sultan) in badan Maraykanka dhexdiisa kaga qaraaban jirtay inay dalkeedii Suuriya kasoo carartay kadib markii ay indheheeda ku aragtay ayadoo koox "muslimiin" ah oo hubaysan ay nin macallinkeeda ahaa ku dhex dilayaan jaamacad ay dhiganaysay, oo markii ay kooxdaas maccallinkeeda dileen inay qayliyeen ayagoo leh "Allaahu akbar!". Waxaase been-abuurkaas kashifay dadkii hayay taariikhda dhacdadaas oo sheegay in qofka ay ka hadlayso (Wafa Sultan) uusan ku dhex dhiman meesha ay sheegtay in lagu dhex dilay, iyo inuusan qaabka been-abuurka ah oo ay sheegtaynau dhiman. Ayadoo intaas ay dheertahay in (Wafa Sultan) aysan goob-joog ka ahayn meeshii uu macallinkaas ku dhintay.
Laakiin nasiib darrada haysata (Christian Post) iyo war-baahinta lamidka ah ayaa waxay tahay inaysan ogayn in dadka muslimiinta ah ay yihiin dad wax akhriya, kana war qaba beenta iyo borobagaanada laga faafinayo. Iyo in sidoo kale beentu ay dabeecad ahaan tahay wax curyaan ah oo socod gaaban, in lasoo qabtana ay aad u fududahay.
Sida muuqatana, been-aburka uu la ciirayo website-ka (Christian Post) kuma koobna maqaalkaas borobagaandada ah kaliya, oo waxaa ku jira maqaallo kale oo dhamaantood dacaayad iyo huuhaa ka fidinaya soomaalida iyo diinta Islaamkaba. Sidoo kale, website-kaan kaliya ma'ahan war-baahinta ku qaraabanaysa beenta iyo aflagaadda ka dhanka ah umadda soomaaliyeed iyo guud ahaanba dadka muslimiinta ah. Waxaa war-baahinta noocaan ah ka mid ah website-ka ay leedahay hay'ad la yiraahdo (The Voice of the Martyrs), oo asna dhankiisana ka qora war-bixinno ay soo tabinayaan dad reer akhiraad ah oo magac iyo hayb midna aan lahayn. Ayadoo middaas qiil looga dhigayo in dadkaas arrimo ammaanka la xiriira dartood loo qariyay magacyadooda.
Waxaana ugu danbayn inaan xusno mudan in maareeyihii hay'adda The Voice of the Martyrs (Tom White) uu is dilay sannadkaan gudihiisa, kadib markii uu ogaaday in la furay baaritaanno la xiriira fara-xumayn uu u gaystay ilmo yar oo saqiir ah. Sidaas darteedna asagaaba dil isku xukumay intaan maxkamadda lala tiigsan oo aysan xukin. Taariikhda ninkaanna* waxay cadayn u tahay nooca ay yihiin dadka borobagaandada iyo dacaayadda la daba socda diinta Islaamka iyo muslimiintaba.
__________________________________________
* Ninkaan wuxuu sheeganayay inuu u yahay qof dadka dulman u hiillinaya, hadana waxaa soo baxday inuu asaga laftirkiisu yahay dugaag faraxumaynaya caruurta yar yar. Inta badanna, dadka aflagaaddada iyo xumaanta la daba kaca muslmiinta iyo diintoodaba, waxay u badan yihiin dad ayaga laftirkooda taariikh aad u xun leh. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa Ayaan Xirsi iyo Islaam nacaybkeeda iyo hadana fadeexadda iyo ceebta ka raacday dalka Hoolan kadib markii lagu qabtay inay dalkaas kusoo gashay kiis been-abuur ah. Ayaan Xirsi ayadoo ah qof nolosheeda ay been ku dhisan tahay ayay hadana lasoo indha cadayd inay tahay qof difaacaysa qadiyad 'akhlaaqi" ah.
__________________________________________
* Ninkaan wuxuu sheeganayay inuu u yahay qof dadka dulman u hiillinaya, hadana waxaa soo baxday inuu asaga laftirkiisu yahay dugaag faraxumaynaya caruurta yar yar. Inta badanna, dadka aflagaaddada iyo xumaanta la daba kaca muslmiinta iyo diintoodaba, waxay u badan yihiin dad ayaga laftirkooda taariikh aad u xun leh. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa Ayaan Xirsi iyo Islaam nacaybkeeda iyo hadana fadeexadda iyo ceebta ka raacday dalka Hoolan kadib markii lagu qabtay inay dalkaas kusoo gashay kiis been-abuur ah. Ayaan Xirsi ayadoo ah qof nolosheeda ay been ku dhisan tahay ayay hadana lasoo indha cadayd inay tahay qof difaacaysa qadiyad 'akhlaaqi" ah.
No comments:
Post a Comment