Waxyaabaha ay kirishtaanka, yuhuudda iwm ku duraan nabigeenna suubban Muxamad (NNKH), waxaa ka mid ah inay muslimiinta waydiiyaan su'aashaan: diintiinna ma ogola in ninka muslimka ah ay ku xirnaadaan afar xaas wax ka badan, hadana nabigiinnu wuxuu khilaafay xukunkaas oo wuxuu lahaa tiro intaas ka badan, sow nabigiinnu marka sharciga Islaamka ma khilaafin oo hadana ma naago badnayn?
Culimmada Islaamka marka jawaabaha ay ka bixiyeen arrintaas waxaa ka mid ah kuwan:
Markii ay soo dagtay aayadda xadidaysa tirada haweenka ah ee ninka muslimka ah hal mar kuwada xirnaan kara, waxaa khasab noqotay inay raggii muslimiinta ahaa furaan haweenka dheeraadka ka ah afarta xaas oo diintu ay ogoshahay. Haweenkaas dheeraadka ah oo asxaabtii ay iska fureen waxaa u bannaanaa inay mar kale guursadaan. Laakiin hadii uu nabigu (nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha'ahaadene) furo xaasaskiisa dheeraadka ah, lama guursan kari lahayn. Sababtoo ah ma bannaana in la guursado haweenka nabiga asaga kadib. Qof nabiga xaas u ahaydna, asaga kadib in la guursado waa arrin nabiga aad u dhibaataynaysa, muslimiintana waa laga xarrimay inay sameeyaan wax uu nabigu dhibsanayo. Ilaahay (SW) wuxuu leeyahay:
وما كان لكم أن تؤذوا رسول الله ولا أن تنكحوا أزواجه من بعده أبدا إن ذلكم كان عند الله عظيما| الأحزاب: 53
( ... Idinmana sugna [ mu'miintow] inaad nabiga dhibtaan iyo inaad xaasaskiisa asaga ka dib guursataan toona. Arrinkiinnaas waa mid Ilaahay agtiisa ka wayn [oo dambi wayn ah])
Sababta loo xarrimay in xaasaska nabiga la guursado
asaga ka dibna waa ayadoo xaasaskaas (Allaha ka raalli noqdee) ay yihiin hooyooyinka mu'miniinta. (وأزواجه أمّهاتهم)
asaga ka dibna waa ayadoo xaasaskaas (Allaha ka raalli noqdee) ay yihiin hooyooyinka mu'miniinta. (وأزواجه أمّهاتهم)
Haddii marka, uu nabigu (NNKH) furi lahaa xaasaskiisa wixii afar ka badan, waxaa dhici lahayd inaan dib dambe loo gursan xaasaskaas uu furay. See bay ku dhacaysaa marka inuu xaasaskiisa dheeraadka ah furo oo hadana asasgii oo nool aysan xalaal u ahayn nafsad ahaantiisa, hadana cid kale aysan guursan karin sida xaasaskii kale oo saxaabadu ay furaan oo ay u bannaanayd inay rag kale guursadaan? Xaasaskii nabiga ayay middaas dulmi ku noqon lahayd. Maslaxaddu waxay ku jirtay marka inay sii ahaadaan xaasaskii nabiga.
Tuhunka iyo duritaanka kale ee ku saabsan inuu nabigu u badsanayay haweenka naago-jacayl, waxaa looga jawaabayaa: haddii uu nabigu (NNKH) u guursanyo haweenka raaxo jacaylkeed iyo cir-waynaan soo kuma filnayn inuu xusho gabdho da' yar oo asaga hortiis aan la guursan? Maxaa ku khasbay in xaasaskiisa oo dhan ay garoobbo noqdaan markii lagasoo reebo Caa'isha (Ilaahay haka raalli noqdo ayada iyo aabbeheede)? Hadii uu nabigeennii suubanaa ahaan lahaa qof haween iyo arrimohood ku mashquushanna, sidee bay ugu suuragali lahayd inuu guto cibaadadii tirada badnayd oo lagu yaqaannay iyo salaaddiisii iyo soonkiisii badnaa? Sidee bay ugu suuragli lahayd inuu maareeyo arrimihii muslimiinta iyo inuu ka qayb galo jihaadkii taariikhiga ahaa oo diinta Islaamka uu ku difaacayay? Nabi Muxamad haduu ahaan lahaa nin adduun inuu ku raaxaysto u dan leh, ma dhici lahayd inuu gaajoodo oo mararka qaarkood gurigiisa aanan waxba laga karin?
Dadka kirishtaanka iyo yuhuudda ah oo su'aasha noocaan ah ka keenaya xaasaskii nabigana waxaa u haboon inay marka hore bal wax iska waydiiyaan qisooyinka baybalkooda ku qoran, gaar ahaanna qaytiisa (cahdiga hore ama old testament-ga). Baybalkaas oo nabi Sulaymaan (nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) hadalkaan ka sheegaya:
"Oo Boqor Sulaymaan wuxuu jeclaaday naago badan oo qalaad, oo aan gabadhii Fircoon ahayn. Naagahaas oo ahaa reer Mo'aab iyo reer Cammoon iyo reer Edom iyo reer Siidoon iyo reer Xeed. Oo quruumahaasuna waxay ahaayeen kuwii rabbigu reer binu israa'iil ku yiri, idinku ha dhex gelina, iyana yaanay idin soo dhex gelin. Waayo, hubaal qalbiyadiinna waxay u jeedinayaan xagga ilaahyadooda; oo Sulaymaan kuwaasuu caashaq u qabtay. Oo wuxuu lahaa toddobo boqol oo naagood oo marwooyin ah iyo saddex boqol oo naagood oo addoommo ah; oo naagihiisiina qalbigiisii way sii jeediyeen" (Boqorrada 1. Cutubka 11aad. Tirada 1 ilaa 3).
Markii laga yimaado maqaamka nabi Sulaymaan uu muslimiinta agtooda ka joogo iyo sida aysan uga suuroobin nabi ka mid ah nabiyada inuu jebiyo sharciga Ilaahay; hadana waxaa meesha ku jirta in kirishtaanka iyo yuhuuddaba wax laga waydiiyo hadalkaan ku qoran baybalka qaybtiisa (cahdiga hore) oo ah qayb labadaas diimood ay wadaagaan. Sidee isu keenaysaa in kitaabkiinna ay ku qoran tahay in boqor/nabi Sulaymaan uu xigmad iyo wanaag u saaxiib yahay, hadana uu jabiyo sharcigii Ilaahay uu u dajiyay reer banii israa'iil? Sharcigaas oo ah inaysan ka guursan una guurinin ummadaha kale? Teeda kale sidee baydaan ula yaabayn in boqor/nabi Sulaymaan uu yeesho 700 oo naagood oo xaasas u ah iyo 300 oo naagood ah oo addoommo ah, ayadoo waliba sida aad ku andacoonaysaan uu Sulaymaan arrintaas sameeyay asagoo jabinaya sharcigii Ilaahay, oo aad hadana ula yaabaysaan inuu nabi Maxamad yeesho 11 xaas* kaliya? Caqli noocee ah baad ku fakaraysaan?
__________________________________________
* Tirada xaasaska uu nabigu guursaday lana aqal galay waa 12. Tirada xaasaska uu ka dhintayna waa 9.
No comments:
Post a Comment