Yacquub Maxamad oo loo yaqaannay (Rev. Yaqub Mohamed) wuxuu ahaa nin soomaali ah oo dagan dalka Maraykanka. Ninkaan waxaa gaar ku ah asagoo ahaa nin kirishtaan ah, oo qaatay diintaas sannadkii 1986kii. Waxaa diintaas soo galiyay hay'ad miishinari ah oo Jarmal ah oo ku sugnayd dalka jabuuti. Sannadkii 1990kiina wuxuu u qaxay dalka Maraykanka. Halkaasoo uu ku dhintay sannadkii 2008.
Ninkaan macluumaadka ay soomaalidu u baahan tahay inay ka hesho kuma saabsana asaga shakhsi ahaantiisaa, oo asaga ka shakhsi ahaan hada waa qof mootan. Arrinta ay soomaalidu macluumaadka uga baahan tahay oo ninkaan ku saabsan waa mashaariicda uu ninkaan ka dhintay ee ku wajahan soomaalida ku nool dalka Maraykanka.
Yacquub Maxamad |
Waxaa jira qoraalkaa oo ku saabsan Yacquub Maxamad oo sannadkii 2004 uu diyaariyay nin la yiraahdo (Dan Olson). Qoraalkaas oo si faahfaahsan uga hadlaya taariikhda Yacquub Maxamad oo ahaa "wadaad" kirishtaan ah, isla markaasna aad ugu howllanaa siduu soomaalida kale usoo kirishtaamayn lahaa. Maqaalkaas uu Dan Olson ka qoray Yacquub Maxamad waxaa cinwaan u ah "SomServ reaches out to largest Somali community in U.S" (Somserv oo gacan u fidinaysa bulshada soomaaliyeed qaybteeda ugu ballaaran ee ku nool dalka Maraykanka).
Dabcan sida ku xusan maqaalkana, SomServ waa hay'ad uu aasaasay Yacquub Maxamad sannadkii 2000. Bulshada soomaaliyeed oo wayn ee la leeyahay SomServ way u adeegsaysaana waa soomaalida ku nool gobolka ama (state-ka) Minnesota. Sidoo kale Yacquub Maxamad wuxuu asaasay (United Somali Fellowship) oo ah dallad midaysa soomaalida kirishtaanka ah ee ku nool dalka Maraykanka. Sida aan arki doonnana SomServ waxaa waxaa la xiriira adeegyo kale oo
magacyo kala duwan leh oo ayagana Yacquub Maxamad uu ka dhintay.
magacyo kala duwan leh oo ayagana Yacquub Maxamad uu ka dhintay.
Markii laga hadlayo u adeegidda soomaalidana, aragatida uu Yacquub Maxamad u dajiyay SomServ oo ay raacayso waa inay isku dhex waddo adeegga bulshada iyo faafinta diinta kirishtaanka. Asagoo cadaynaya in SomServ aysan adeeg kaliya ku koobnaynna, wuxuu yiri "We are willing to just share who we are ... We would rather be open to loving and serving and sharing the Gospel" (waxaan diyaar u nahay inaan [dadka] la wadaagno waxa aan nahay ... waxaanan door bidaynaa in si'aan qarsoonayn aan u gudanno adeegga, jacaylka iyo la wadaagidda baybalka". Taasoo macneheedu yahay: waxaan si cad dadka ugu sheegaynaa inaan kirishtaan nahay, ayagana waxaan ugu yeeraynaa kirishtaannimada iyo inay qaataan baybalka.
Sida maqaalka aan tilmaannay ku cadna, khidmadda ama adeegga ugu muhiimsan oo SomServ ay xoogga saarto waa mid ku wajahan dadka waawayn oo soomaalida ah ee doonaya inay bartaan luuqadda ingiriiska. Dadka noocaan ah waxay SomServ u diyaarisay mashruuc la yiraahdo (Somali Adult Literacy Training), oo loo soo gaabiyo (SALT). Mashruucaan oo ah mid ay ka qayb qaataan macallimiin u shaqaynaya si iskaa-wax-u-qabso ah, ayuu ku sheegay Yacquub Maxamad inuu yahay fursad aad u wanaagsan oo macallimiintaas ay ugusoo bandhigi karaan dadka soomaalida ah diinta kirishtaanka. Arrintaas oo Dan Olson uu ku sheegay inay tahay mid rajo fiican ku abuurtay Yacquub Maxamad oo rumaysnaa in is dhex galka macallimiinta iyo ardayda soomaalida ah oo ingiriiska la barayo ay horseedayso in ardaydaas ugu danbayn ay kirishtaamaan.
Mashruucaas (SALT) ka sokowna, waxaa jira mashaariic kale oo Yacquub Maxamad uu ka dhintay. Waxaa mashriicdaas ka mid ah, (Somali Youth Reach) oo ah mashruuc si gaar ah ugu wajahan da' yarta soomaaliyeed ee Maraykanka ku nool. Mashruucaan oo qaababka uu adeegsado ay ka mid yihiin riwaayadaha iyo heesaha si uu fikradiisa ugu gudbiyo dhalinyarada soomaaliyeed. Waxaa kale oo mashaariicdaas ka mid ah mashruuc la yiraahdo (Safe Home) oo asna ku wajahan dumarka soomaaliyeed ee Maraykanka ku nool.
Inkastoo Yacquub Maxamad uu dhintay oo mootan yahay, hadana mashaariicdii uu ugu talo galay dadka soomaalida ah maysan dhimanin wayna taagan yihiin wali. Waxayna u shaqaynayaan sidii loogu talo galay. Su'aasha taalla waxay tahay marka: tillaabo noocee ah ayaa la gudboon soomaalida dalka Maraykanka nool? Run ahaantii sida qof walba oo muslim ah uu dareemi karo, ma jiro raasumaal diinta Islaamka ka wayn oo qofka soomaaliga ah iyo muslimiinta kalaba ay leeyihiin. Sidaas darteed in qofka muslimka ah uu diintiisa dhowrto, isla markaasna uu ka digtoonaado cidii dhagar la maagan, waa waajib aad u wayn oo qofka muslimka ah saaran. Talada halkaan aan soomaalida ka siinayno ma'ahan, inay wax u dhimaan ama dagaal la galaan hay'adahaas aan kor kusoo tilmaannay. Talada aan siinayno soomaalida Maraykanka dagan waa inay marka koobaad bulsho ahaan yeeshaan iska war qab iyo wada tashi joogta ah. Inay yeeshaan ayaga dhexdooda hay'ado u taagan adeegga guud oo caawin kara dadka soomaalida ah oo ku cusub dalka Maraykanka, hadii ay ahaan lahayd caawimaad ku saabsan talo bixin dhanka shaqada ah, ama bartitaanka luuqadda iyo hab-nololeedka ka jira dalka Maraykanka. Middaas waxay ka kaafin doontaa in dhanlinyaradooda ay u gacan galaan hay'ado adeeg guud isku qarinaya laakiin howlo kale si qarsoon u wata.
Waxaa kale oo meesha ku jirta in looga baahan yahay dadka soomaaliyeed oo Maraykanka iyo dalalka kale oo reer galbeedkaba ku nool inay is waafajiyaan labo arrimood oo kala ah: inay diintooda iyo dhaqankooda ilaashadaan, hadana inay bulshada ay dalkeeda ku nool yihiin si nabad iyo is-faham leh ula noolaadaan. Taas waxay ku gaari karaan, ayagoo marka koobaad diintooda barta, dhaqanka Islaamkana ilaaliya. Maxaa yeelay diinteenna Islaamka waa diin horumar iyo nabad u taagan oo na baraysa inaan si wanaagsan dadka ula dhaqanno ulana soconno. Marka labaadna inay ku dadaalaan inay si taxadar leh u fahmaan dhaqanka iyo qaanuunka ka jira dalalka ay ku nool yihiin. Middaas waxay meesha ka saari doontaa is-faham la'aan xagga dhaqanka ah oo dhex marta ayaga iyo bulshooyinka ay ku dhex nool yihiin. Sidoo kalana waxay u sahli doontaa inay bartaan xuquuqda ay dalalkaas ku leeyihiin iyo waajibaadka ayaga saaran intaba. Farriinta ugu danbayn walaalaha soomaaliyeed aan u diraynana waxay tahay: adinka noqda tusaale wanaagsan oo dadka jeclaysiiya diinta Islaamka, si qofkii idin kugu yimaada inuu diintiinna idinka saaro uu asagu usoo galo diinta islaamka.
No comments:
Post a Comment