Waxaa xaqiiqo ah in dalkii Soomaaliya burburka ka dhacay uu saameeyay dhinac walboo nolosha ah. Haday ahaan lahayd dhanka amniga iyo nabadgalyada, caafimaadka, wax-barashada iyo dhammaan adeeg walba oo dowlad lagu yaqaannay inay shacabkeeda u qabato.
Inkastoo uu jiro dadaal aad u qiimo badan, oo ay sameeyeen dad soomaaliyeed oo isku dayay inay gacan ka gaystaan ilaalinta iyo hurumarinta wax-barashada; hadana wali waxaa dalkii ka taagan baahi dhanka aqoonta ah. Way jiraan iskuullo iyo jaamacado dalkii ka furan oo ay gacanta ku hayaan dad soomaaliyeed, balse waxaa marar badan dhaca in iskuulladaas ama jaamacadahaas ay kooban tahay awooddooda dhaqaale, taasoo saamayn wayn ku yeelan karta hir-galinta barnaamijyada u dagan iskuulladaas. Waxaa sidoo kale jira meelo aan xataa lahayn xarumahaas wax-barasho. Baahida noocaan ah marka, oo ku saabsan awood la'aanta lasoo gudboonaata iskuulladaas, iyo sidoo kale deegaannada aan awoodin inay xataa iskuulladaas dhistaan waxay albaabka u furaysaa hay'ado kala duwan oo ka yimaada dalka dibaddiisa, ayagoo leh waxaan u nimid inaan arrintaan wax ka qabanno. Hay'adahaan dabcan waxaa maamulkooda gacanta ku haya dalalka ay ka yimaadeen. Waxaana dabeeci ah inay hay'adahaan raacaan siyaasado maamul oo ayaga u gaar ah markii ay Soomaaliya ka dhaqan galinayaan mashaariic wax-barasho. Waxaana dhacda inay shuruud ku xiraan iskuullada ay caawinayaan, iyo sidoo kale inay ayagu dajiyaan manaahijta wax-barasho oo ay raacayaan iskuullada ay ayagu furaan.
Run ahaantii marnaba lama inkiri karo faa'iidada ay leedahay inaad hesho qof inta dalkaaga kuugu yimaada hadana diyaar u ah inuu wax kaala qabto adeeg qabyo kaa ah, sida adeegga wax-barsahada. Laakiin hadana sidaasoo ay tahay meesha lagama saari karo
in qofkaan ku caawinaya uu yeelan karo dano gaar ah oo uu doonayo inuu gaaro. Ha ahaadeen danahaas kuwo la xiriira siyaasad, diin iyo mad-hab, ama dhaqaale intaba. Sidaas darteed waxaa waajib noqonaysa in waalidiinta iyo wax garadka ku sugan deegaannada soomaaliyeed oo hay'adaha ajaanibta ah ka hir-galiyaan mashaariicda wax-barasho; in waalidiintaa iyo wax garadkaas ay iska kaashadaan sidii ay u hubin lahaayeen in wax-barsahada caruurtooda la siinayo ay noqoto mid sii kabaysa aqoontooda dhanka diinta Islaamka ayadoo isla markaasna kordhinaysa aqoontooda maaddiga ah. Gaar ahaanna waa in laga taxadaro in caruurta soomaaliyeed waxa la barayo aysan halis ku ahayn islaannimadooda iyo mad-habka sunniga ah oo ah mad-habka uu haysto shacabka soomaaliyeed.
in qofkaan ku caawinaya uu yeelan karo dano gaar ah oo uu doonayo inuu gaaro. Ha ahaadeen danahaas kuwo la xiriira siyaasad, diin iyo mad-hab, ama dhaqaale intaba. Sidaas darteed waxaa waajib noqonaysa in waalidiinta iyo wax garadka ku sugan deegaannada soomaaliyeed oo hay'adaha ajaanibta ah ka hir-galiyaan mashaariicda wax-barasho; in waalidiintaa iyo wax garadkaas ay iska kaashadaan sidii ay u hubin lahaayeen in wax-barsahada caruurtooda la siinayo ay noqoto mid sii kabaysa aqoontooda dhanka diinta Islaamka ayadoo isla markaasna kordhinaysa aqoontooda maaddiga ah. Gaar ahaanna waa in laga taxadaro in caruurta soomaaliyeed waxa la barayo aysan halis ku ahayn islaannimadooda iyo mad-habka sunniga ah oo ah mad-habka uu haysto shacabka soomaaliyeed.
Waalidka iyo wax garadka soomaaliyeed masuuliyad aad u wayn ayaana ka saaran inay ogaadaan haybta ay leeyihiin hay'adaha wata mashriicda wax-barasho oo laga hir galinayo dalka Soomaaliya. Sidoo kale waalidkaas iyo wax garadkaas masuuliyad wayn ayaa ka saaran inay si fiican ugu dhabba-galaan manaahijta ay dajinayaan hay'dahaas iyo shuruudahooda maamulka la xiriira. Sababtoo ah qof walba oo muslim ah masuuliyad ayaa ka saaran inuu ilaaliyo caqiidada ilmihiisa.
Calaamadda hay'adda World Vision |
Waa in laga taxadaro hay'adaha shisheeye ee dalka imaanaya ayagoo hoosta ku wata mashaariic diini ah oo ay rabaan inay ka faafiyaan Soomaaliya gudeheeda sida hay'adda (World Vision) oo ayadu qiranaysa in wax-qabadkeeda uu ku lifaaqan yahay mashruuc diiini ah. Kaasoo ah inay tahay hay'ad gargaar oo kirishtaan ah, isla markaasna ka duulaysa aragti ku salaysan diinta kirishtaanka. Waxay sidoo kale hay'addaan qiranaysaa inay u taagan tahay waxa ay ugu yeertay (ka markhaati-kicidda warka wanaagsan ee boqortooyada rabbiga) " ... bear witness to the good news of the Kingdom of God". Diinta kirishtaanka markii laga hadlayana, (ka markhaati-kicidda warka wanaagsan ee boqortooyada rabbiga) macneheedu waa faafinta diinta kirishtaanka iyo in dadka loogu yeero inay diintaan soo galaan. Waana waxa ay ugu yeeraan (bishaarada) ama in dadka loogu bishaareeyo inuu jiro ilaah la yiraahdo (Ciise-masiix) oo dambiyadoodii oo dhan ka mayray, daraadoodna ugu "dhintay" mucatabka korkiisa, oo dadka uga baahan inay ilaahnimadiisa qiraan oo asaga caabudaan. Qofkii jecel inuu indhihiisa ku arko waxa ay tahay hay'adda (World Vision), wuxuu gali karaa websitekeeda ay internetka ku leedahay, gaar ahaan ha akhriyo (tab-ka) ah (Who We Are).
Waalidiinta iyo wax garadka ku sugan marka meelaha ay ka shaqeeyaan hay'adaha ah noocaan oo kale, waxaa loo baahan yahay inay si fiican u foojignaadaan. Inay ogaadaan dhammaan xiisadaha ay caruurtooda ku qaataan iskuullada ay hay'adaha noocaan ah maamulaan. Inay ogaadaan sida macallimiinta iskuulladaas jooga ay uga hadlaan diinta Islaamka iyo taariikheeda. Maxaa yeelay hay'adaha faafiya kirishtaannimada khasab ma'ahan inay ardaydooda si toos ah uga dalbadaan inay diinta kirishtaanka soo galaan. Sidaas waxaa ka horraysa gogol-dhig ah in la kala go'doomiyo ilmaha muslimka ah iyo diintiisa, oo ilmahaan maskaxdisa lagu shubo taariikh faalso ah oo diinta Islaamka ku saabsan. Sidoo kale in lagu dadaalo inuusan ilmahaan baranin diintiisa iyo taariikhdeeda saxda ah. In maskax ahaan ilmaha cilmaani laga dhigo oo la istaajiyo meel dhexe oo diin la'aan ah. In lagu dadaalo inay is-garab socdaan bah-dilid lagu samaynayo diinta Islaamka iyo taariikhdeeda iyo dhanka kale ammaan joogta ah oo ku wajahan reer galbeedka iyo taariikhdiisa iyo dhaqankiisa. Ilmihii markii muddo uu sidaas ku jiro, wuxuu gaarayaa marxalad uusan Islaamku qiimo gooni ah agtiisa ka lahayn, ayadoo taas ay garab socoto ixitiraam iyo jacayl farabadan oo reer galbeedka iyo dhaqankooda uu u qabo.
Si marka looga hor tago arrinta noocaan ah, waa in waalidiintu ay ku dadaalaan in dugsiyada ilmahooda ay gaynayaan ay yihiin kuwo ay iska hubiyeen diin iyo dhaqan ahaanba. Inay ilmahooda guriga ku baraan diinta Islaamka iyo taariikhdeedaba. Ayagoo ku dadaalaya inay ilmahooda jeclaysiiyaan diinta Islaamka. Sidoo kale inay ilmaha si joogto ah u waydiiyaan su'aalo la xiriira waxa ay iskuulka kala kulmaan iyo dhaqanka halkaas ka jira nooca uu yahay.
Waxaa sidoo kale waajib ah inay is kaashadaan waalidiinta iyo culamaa'udiinka soomaaliyeed. Waa in culimmadu ay ku dadaalaan inay masaajidda ku qabtaan duruus islaami ah oo taxane ah. Dhanka kalena waa in waalidiintu ay ku dadaalaan inay caruurtooda u diraan duruustaas oo ku koontaroolaan inay xaadiraan kana faa'iidaystaan. Waxaana aad u haboon in lagu dadaalo markii duruustaas masaajidda laga bixinayo inay yihiin kuwa si fiican u qorshaysan, oo loo qabto qaab caruurta iyo dhalinyaradaba xiiso galinaya oo jeclaysiinaya inay ku taxmaan. Sidoo kale waa inuu waalidkuna ku dadaalo inuu ilmahiisa jeclaysiiyo duruustaas oo si fiican uu uga abaal mariyo markuu ku taxmo.
No comments:
Post a Comment