Wednesday, August 8, 2012

Qaar ka Mid ah Wadooyinka ay Adeegsadaan Miishinarigu

Taariikh ahaan, wadooyinka ay mishiinarigu usoo maraan kirishtaamaynta dadka aan kirishtaanka ahayn, waxaa ugu caansan kusoo gabsahada adeegyayada qaybahooda kala duwan. Ha ahaadeen adeegyadaas kuwo caafimaad ama kuwo la xiriira tacliinta.
Markii laga hadlayo cidda ay ku wajahan yihiin dadaallada mishiinarigana, muslimiinta ayaa waxay soo galayaan yoolalka iyo taargetyada ugu waawayn oo mishiinarigu ay doonayaan kirishtaamayntooda.

baybal
Nuqul baybalka ah oo af-soomaali ku qoran,
 loona ekaysiiyay musxafka Quraanka kariimka ah
Inkastoo dadaal aad u wayn ay mishiinarigu ku bixiyeen dhanka caafimaadka iyo tacliinta looga dan leeyahay in wax lagusoo dabo; hadana waxay arkeen dhankaas kaligiis inaysan ku gaarayn natiijo ay raalli ku noqdaan. Sidaas darteed waxay soo kordhiyeen qaabab cusub oo sii xoojinaya qorshohooda la xiriira kirishtaamaynta muslimiinta. Qaababkaas cusub waxaa ka mid ah in muslimiinta lagusoo dabo waxyaabo dhaqan ahaan diintooda u dhow oo aysan ka didayn. Waxaa ka mid ah waxyaabahaas, in baybalka lagu daabaco jaldi u eg midka Quraanka kariimka ah.
Ayadoo taas looga dan leeyahay in qofka muslimka ah uusan ka didin baybalka. Ayadoo sidoo kale la rabo in lagu xambaaro muslimka bal inuu furo buuggaan oo uu daalacdo waxa gudihiisa ku qoran.

Waxyaabaha kale oo ay adeegsadaan mishiinarigu waxaa ka mid ah, gaar ahaanna kuwa ku wajahan dalalka carabta, in idaacadahooda ay kasii daayaan codka qof baybalka u akhrinaya oo ugu luuqaynaya sida muslimiinta ay Quraanka ugu akhriyaan cod fiican oo tartiil ah. Marar badanna waxaa dhacdaa la yiri in qof muslim ah oo quraanka aan aad u aqoon intuu maqlo codkaas uu warqad u diro idacadii codkaas laga sii daynayay, asagoo waydiinaya magaca suurada uu akhrinayay "qaarigii" ay idaacaddu codkiisa soo bandhigtay. Markaasaa isla markiiba idaacaddaas bilaabaysaa inay qofkaas lasoo xiriiray usoo dirto nuqul baybalka ah iyo qoraallo kale oo ugu yeeraya kirishtaannimada.

Sidoo kale waxaa wadooyinkaas ka mid ah in dadka la isleeyahay way fudadahay inay diinta ka baxaan laga dhaadhiciyo in waxa loogu yeerayo aysan ahayn inay diintooda Islaamka ka baxaan, balse waxa laga rabo inay yihiin noqoshada "muslimiin" aqbalay ciise-masiix¹. Sidaasna inay ku ahaadaan "muslmiin ciise-raac ah". Dabcan ciise-masiixa la leeyahay aqbala, marnaba ma'ahan nabi Ciise (عليه السلام).
Waxaana dakaas laga dhaadhicinayaa inaan loo baahnayn inay magacyadooda badalaan, ama dadkooda ka dhex baxaan. Hadii ay masaajid u baahdaanna inay dhisan karaan "masaajid ciise-raac ah" oo aan lahayn kuraas dhex taal iyo sawirro darbiyada ku dhagan toona sida kaniisadaha. Balse uu roog dhex yaal, kabahana banaanka lagu siibayo.

Qaababkaas iyo qaabab kale oo la mid ah ayay kusoo gabadaan mishiinarigu si ay diinta uga saaraan dadka muslimiinta ah.

______________________
1- Macluumaad dheeri ah oo arrintaan la xiriira waxaad ka akhrisan kartaa --> halkaan

No comments:

Post a Comment