Waxaa in muddo ah si isa soo taraysa ugusoo badanaya warbaahinta reer galbeedka, hadal haynta iyo soo celcelinta taariikhda kaniisad uu gumaysigii talyaaniga uga tagay dalka Soomaaliya. Kaniisaddaas oo sida qof walba oo wax garad ah uu dareemi karo aan lahayn wax si gaar ah mujtamaca soomaaliyeeda ugu xiraya. Sababta kaliya oo Soomaaliya dhex joojisayna ay tahay ayadoo guri cibaado u ahayd fajiistayaashii gumaysigii talyaaniga.
Waxaa in muddo ahba soo badanayay hadal haynta iyo ka taariikhaynta kaniisaaddaas, ayadoo aad dareemayso in si khasab ah la rabo in kaniisaddaas loogu dhex maqiiqo taariikhda ummadda soomaaliyeed oo muslimka ah. Ayadoo warbaahinta iyo wakaaladaha wararka reer galbeedka ay ku dadaalayaan in markii xaaladda Soomaaliya ay qiimayn ku sameeyaanba ay isla markaasba miiska soo saarayaan taariikhda kaniisaddaan uu talyaaniga ka tagay.
Warbixin Soomaaliya ku saabsan oo wariye magaceeda la yiraahdo (Mary Harper) ay u diyaarisay BBC-da shalay ayay cinwaan uga dhigtay "Somalia's Graveyard of Grand and Beautiful Buildings" (Qubuuraha Soomaaliya ee ay ku aasan yihiin daaraha waawayn ee qurxoon). Ayadoo middaas ula dan leh inay soo bandhigto xaaladda kaniisaddaas aan kasoo hadalnay. Waxay Mary Harper
si ka badbadis ah uga hadashay dareenkeeda shakhsi ahaaneed ee ay ku reebeen aragtida iyo galitaanka kaniisaddaan talyaaniga ay leeyihiin ee burbursan. Waxayna si qiiraysan uga hadashay muuqaallada ka haray dhismaha kaniisaddaan ayadoo sharraxaysa dhinacyada ay iskutallaabta kaga taal kaniisadda iyo sidoo kale dhinaca uu ku yaal muuqaalka Masiixa ay ayada iyo dadkeedu aaminsan yihiin in la daldalay. Intaas kuma aysan ekaysane waxay Mary Harper nafteeda xaq u siisay inay ku hadasho carrabka waardiyeyaashii soomaalida ahaa oo ay tiri way i ilaalinayeen intaan kaniisaddaas burbursan dhex taagnaa. Waxayna ka bixisay waardiyeyaashaas sawir muujinaya in muuqaalka kaniisaddaas uu khushuuc wayn ku reebay ayaga. Ayadoo leh waxay wax iga waydiiyeen sida dadka karistaanka ah u tukadaan. Waxayna intaas kusii dartay inay kaniisadda hareeraheeda iyo gudaheedaba ku aragtay dad soomaaliyeed oo dhismihii kaniisaddaas uu gabbaad u noqday. Qof ay leedahay wuu ii warramay ayay tiri wuxuu ii sheegay inuu kaniisaddaas usoo qaxay asagoo ka cararaya al-shabaab. Inkastoo al-shabaab aannaan taageersanayn, caqiida ahaanna aysan na matalin, hadana waxaa waajib ah inaan si wanaagsan u dhuuxno waxa ay qoftaan uga dan leedahay qisada ninkaan ay leedahay wuxuu miciin soo biday kaniisadda asagoo kasoo cararay dad ay muslimiin isla yihiin.

Qofka ay AFP-du tiri wuxuu soo bandhigayaa taariikh soomaaliyeed |
Warbixintaas Mary Harper ka hor, waxaa ayadana jirtay war bixin kale oo 30kii bishii May ee sannadkaan ay diyaarisay wakaaladda wararka ee AFP. Warbixintaas oo ku saabsanayd Soomaaliya ayaa AFP waxay cinwaan uga dhigtay "Seeing The Majesty in Somalia's History" oo macne ahaan lagu fasiri karo (Dheehashada dhinaca wanaagsan ee taariikhda Soomaaliya). Qofkii cinwaankaas akhriya dabcan waxaa maskaxdiisa kusoo dagdagaysa in wakaaladda AFP ay soo bandhigayso taariikh wanaagsan oo ummadda soomaaliyeed ay leedahay. Waxaase yaab kuu imaanayaa markii taariikhda cajaa'ibka leh oo AFP ay ka hadli lahayd uu isugu biyo shubto hadal ku meeraysanaya kaniisaddaas burbursan oo fajiistayaashii gumaysigii talyaaniga ay Xamar ka dhisteen. Sawirka ay AFP-da warbixinteeda u dooratay wuxuu ahaa mid muujninaya qof ay ku sheegtay inuu soomaali yahay oo la taagan sawirrada kaniisaddaas talyaaniga. Sida ay AFP sheegtayna, qofkaan wuxuu ka qayb qaadanayay bandhig Nairobi lagu qabtay oo ku saabsan taariikhda Soomaaliya. Markii uu qofkaan damcay inuu bandhigaas keeno taariikh ay soomaalidu leedahayna wuxuu meesha lasoo istaagay sawirrada kaniisaddaas uu ka tagay gumaysigii talyaaniga, iyo sidoo kale qiso kale oo beenabuur ah oo shakhsigaas uu alliftay asagoo bandhigaas ka sheegay in magaalada Muqdisho ay waagii nabaddii ka jireen kalaabyo tiro ahaan ka badan masaajiddeeda!!
Waxaa mar kale in la dhuuxo oo laga fakaro mudan qasadka ay uga dan lahayd wakaaladda AFP-da soo bandhigitaanka taariikhdaas beenabuurka ah.
Intaas ka hor waxaa jiray kulan Muqdisho lagu qabtay bishii April ee sannadkaan, oo qayb ka ahaa mashruuca (TEDx). Website-kii loo furay mashruucaas, waxaa qaybtiisa Muqdisho ku saabsan astaan looga dhigay kaniisaddaas talyaaniga. Ayadoo sawirka kaniisaddaas laga dhigay waxa ugu horreeya oo ay qabanayaan indhaha qofka akhristaha ah oo raba inuu Muqdisho taariikhdeeda wax ka ogaado. Waana isku day looga dan leeyahay in si indha-adayg ah loogu maqiiqo kaniisaddaas taariikhda ummadda soomaaliyeed. Ayadoo khasab looga dhigayo qofka soomaaliga ah inuu aqbalo in kaniisaddaas ay qayb wayn ka tagay taariikhda shacabka soomaaliyeed ee muslimka ah.
Waxaa loo baahan yahay marka in si gaar ah indhaha loogu hayo been-abuurka looga dan leeyahay in lagu dooriyo taariikhda iyo haybta ummadda soomaaliyeed.
No comments:
Post a Comment