Saturday, August 4, 2012

Waa Noocee Dadka la Kiristaamayn Karo?

Hay'adaha miishinariga ee kusoo gabada gargaarka, laakiin xaqiiqo ahaan ka shaqaynaya sidii muslimiinta loo kirishtaamayn lahaa, waxay leeyihiin aragti gaar ah oo ay kusoo soocaan dadka muslimiinta ah oo u nugul mashruuca kirishtaamaynta. Dadka ay sida gaarka ah u ugaarsadaanna waa labo qaybood. Qayb fakhri iyo aqoon darro iyo cudur ay la hareen, oo baahida haysa ka sokow aan diinta Islaamka aqoon fiican u lahayn. Dadka noocaan ah marka waxay marar badan diyaar u yihiin inay diintooda uga tanaasulaan cid walba oo caloosha wax ugu rida ama cudur haya ka daawaysa. Middaasna waxaa cadayn u ah qisooyinka shakhsiyaadka Soomaalida ah ee diinta ka baxay. Waxaa shakhiyaadka dadkaas ugu caansan ka mid ah Axmad Xayle oo geeriyooday sannadkii 2011. Axmad markii uu ka warramayay taariikhdii kirishtaamayntiisa, wuxuu sheegay in kirishtaameyntiisa ay kasoo bilaabatay meel lagu dawaynayay asagoo aad u xanuunsan, wakhti uu ahaa nin da' yar. Sida muuqatana waxaa Axmad Xayle isugu darsamay cudur, baahi, iyo aqoon la'aan oo sidaasaa looga faa'iidaystay. Markii Axmad Xayle uu bilaabay inuu diintiisa cusub u adeegana, wuxuu isla markiiba beegsaday meelaha uu ku og yahay dadka tabaalaysan oo baahidu ay hareeraysay sida xeryaha qaxootiga. Asaga oo sida la sheegay la wareegaya lacag loo soo dhiibay oo uu ku ugaarsanayo dad masaakiin ah oo ay isugu darsameen baahi iyo aqoon yaraan.
Arrintaanna kuma koobna Axmad Xayle kaligiis, oo inta badan markii dib loo raaco taariikhda shakhsiyaadka soomaalida ah oo diinta ka baxay, waxay taariikhdaas kasoo bilaabanaysaa xero ay ku jiraan dad qaxooti ah ama isbitaal ay maamulaan miishinariga oo lagu daweeyo dadka baahan.

Hadii Axmad Xayle iyo kuwa soo dirayba ay wataan diin xaq ah, wuxuu diintiisa si siman ugu soo bandhigi lahaa dadka ladan iyo kuwa baahan, kuwa aqoonta leh iyo kuwaan wax aqoon intaba.

Nooca labaad oo ay fududahay in kirishtaannimada laga gadana waa dadka ayaga oo aan aqoon fiican diintoodii u lahayn tagay dalalka qurbaha oo halkaas qaxootiga ka noqday. In badan oo dadkaan ka mid ah waxay si khaldan isugu
Axmad Xayle
Axmad Xayle oo fadhiya goob abaalmarin

lagu gudoonsiinayo asaga iyo dad kale ah oo 
u shaqeeya hay'ad miishinari ah oo magaceeda 
la yiraahdo Eastern Mennonite Missions

xiriiriyeen  dhibaatooyinka dalkoodii ka jira iyo diinta Islaamka, iyo sidoo kale xasiloonida siyaasadeed ee ka jirta dalalka ay tageen iyo diinta Kirsitaanka. Ayagoo aan xisaabta ku darsan in qalalaasaha dhulkoodii ka jiray sababihiisa ay kow ka yihiin siyaasadaha isticmaariga ah ee ay kula dhaqmayaan dalalka reer galbeedka dunida muslimka. Sidoo kale dadkaan waxaysan xisaabta ku darsan in qalalaasaha ka jira dhulkoodii ay sabab u tahay maqnaashaha ku dhaqankii diinta Islaamka iyo akhlaaqdeedii. Sababtoo ah xagee mashaakil ka imaan karaa hadii qof walba oo muslima ah uu xaq dhowro muslimka kale oo uu nabad galiyo dhiigiisa, maalkiisa, iyo sharaftiisaba? Miyaysan sadexdaas ka mid ahayn shanta arrimood oo diinta Islaamka ay u dhowrto qofka banii aadamka ah (Diinta, nafta, maalka, sharafta, iyo caqliga)? Dadkaas marka sawirkaas khaldan oo ay qaateen baa fududaynaya inuu reer galbeedku ka gado ayaga diin uu asagii laftirkiisii ka tagay!  Taas waxaa la mid ah xaalada ay ku sugan yihiin dadka soomaaliyeed oo qabiil ahaan la takooro, taasoo abuuri karta duruufo aad usoo dhowaynaya hay'adaha mishiinariga. Sababtoo ah nin walaalkiisii ay isku diinta iyo jinsiga ahaayeen uu takoorayo markuu u yimaado shisheeye naxariis badan tusaya oo diintiisii ka gadaya, hadana ay taas weheliso ayadoo qofkaan soomaaliga ah uusan diintiisii si fiican u aqoon, miyaysan taas fududaynayn howshii miishinariga?

Mishiinariga marka bulshada muslimka ah meelaha ay sida tooska ah uga abbaaraan waa dhinacyadaas aan soo tilmaannay. Si looga hor tagana waxaa loo baahan yahay in si gooni ah looga shaqeeyo sidii dadka dan yarta loogu sahli lahaa in caruurtooda ay helaan tacliin wanaagsan oo dhanka diinta iyo maaddiga ah intaba ah. Si aysan marti ugu noqon shisheeye usoo tafa-xaytay inuu mujtamac soomaaliyeed diin ahaan kala qaybiyo oo mashaakil hor leh uu Soomaaliya ka abuuro.  Sidoo kale waa in laga shaqeeyo oo bulshada soomaaliyeed laga wacyi galiyo khatarta ay leedahay in qayb mujtamac ka mid ah la faquuqo ama la takooro. Sababtoo ah cuqdad nafsiga arrintaas ka dhalanaysa waxay si guud halis ugu tahay shacabka soomaaliyeed oo dhan. Wuxuuna albaabka u furayaa hay'adaha kirishtaanka ah iyo wixii la mid ah oo dadkaas la faquuqay isaga dhigaya malaa'ig usoo gurmatay oo xuquudooda usoo celinaysa.

1 comment:

  1. Waa maqaal ifinaayo waxyaabo badan oo dadbadan laduufsatay waad kumahadsantihiin

    ReplyDelete