Tan iyo markii uu dhashay qarnigii 20aad waxay dowladaha reer galbeedku qabteen ugu yaraan 25 kulan oo waawayn, oo mid walboo ka mid ah looga wada xaajoonayay sidii kiristaannimada loogu dhex faafin lahaa ummadaha aan kirishtaanka ahayn. Kulammadaas ayaga ah waxaa ugu halis badnaa uguna miisaaniyad waynaa sida la sheegay, kulan ka dhacay gobolka Colorado ee dalka Maraykanka sannadkii 1978kii oo ay isugu yimaadeen ugu yaraan 150 xubnood oo ka kala socday hay'ado kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha kirishtaamaynta.
Kulankaasna waxaa cinwaan looga dhigay "The North American Conference on Muslim Evangelisation" oo macneheedu yahay "Kulanka Waqooyiga Ameerika ee Kiristaamaynta Muslimiinta". Sida cinwaanka ka muuqatana ajandaha ugu wayn oo shirkaas hor yaallay wuxuu ahaa in la dajiyo qorshe ballaaran oo qeexaya sidii muslimiinta caalamka kiristaan looga dhigi lahaa.
Waxyaabihii ugu waawaynaa oo dadkii shirkaas ka qayb galay ay isku af garteen waxaa ka mid ahaa inay daruuri tahay in laga tanaanuslo qorshayaashii hore oo kiristaamaynta, oo ku koobnaan jiray in shakhsiyaad tira yar la ugaarsado. Waxaa la yiri, taas wax macne ah waa keeni wayday, oo hal qof ama labo qof in wakhti laysaga lumiyo wax faa'iido ah oo ay diinta kirishtaanka u leedahay ma lahan. Sababtoo ah markii la gaalaysiiyo hal qof oo muslim ah, isla markiiba wuxuu noqonayaa
qof bulshadiisu ay tufto oo la'iska faquuqo ama la dilo. Sidaas darteedna qofkaas wax uu soo kordhin karo ma jiraan. Wuxuuna noqonayaa qof naf la caari ah, oo u baahan in lala daba socdo taakulo iyo waardiyayn joogta ah. Kaniisadda ayuuna culays badan saarayaa. Sidaas darteed waxaa la yiri, waa in la gaalaysiiyo mujtamacaad dhan oo is wata hal mar. Meesshii hal qof laga ugaarsan jiray waxaa la yiri waa in la ugaarsado bulshooyin dhan oo is wata, lagana shaqeeyo sidii diinta Islaamka looga soo saari lahaa hal mar.
qof bulshadiisu ay tufto oo la'iska faquuqo ama la dilo. Sidaas darteedna qofkaas wax uu soo kordhin karo ma jiraan. Wuxuuna noqonayaa qof naf la caari ah, oo u baahan in lala daba socdo taakulo iyo waardiyayn joogta ah. Kaniisadda ayuuna culays badan saarayaa. Sidaas darteed waxaa la yiri, waa in la gaalaysiiyo mujtamacaad dhan oo is wata hal mar. Meesshii hal qof laga ugaarsan jiray waxaa la yiri waa in la ugaarsado bulshooyin dhan oo is wata, lagana shaqeeyo sidii diinta Islaamka looga soo saari lahaa hal mar.
Su'aasha meesha taalla waxay noqotay marka sidii bulsho dhan oo muslim ah, hal mar loo gaalaysiin karaa? Waxaa la yiri taas xalkeeda waa in marka koowaad bulshadaas la diraaseeyo si fiicanna loo qiimeeyo sida bulshadaas u dhisan tahay ijtimaaci ahaan. Ayadoo la raadinayo inay bulshadaas leedahay galdaloollo lagasoo gali karo, sida khilaafaad dhex yaal qaybeheeda kala duwan, ama inay bulshadaas ka mid yihiin dad ku sugan xaalad cadaadis ah oo aysan raalli ka ahayn, isla markaasna u baahan gacan shisheeye oo u hiilisa. Waxaa la yiri markii qiimayntaas la sameeyo waa in bulshadaas dhexdeeda laga abuuro duruufo adag oo ka qaadaya bulshadaas xasilloonida iyo daganaanta. Duruufo ay ka mid yiiin dagaallo, gaajo, iyo wixii la mid ah. Si looga faa'iidaysto ciriiriga duruuftaas ka dhasha, oo hay'adaha kiristaanka ah ay bulshadaas usoo dhex galaan ayadoo tabaalaysan oo kala firirtay, dadkeedana sidaas lagu ugaarsado ayadoo gargaar iyo wixii la mid ah loogu soo gabanayo.
Go'aannadii shirkaas kasoo baxay markii la qiimeeyo, waxaa cad in dalka Soomaaliya xaaladda uu in badan kusoo jiray ay tahay bay'ad aad usoo dhowaynaysa hay'adaha ka shaqaynaya faafinta diinta kiristaanka. Bulsho ahaanna shacabka soomaaliyeed waa dad muslimiin ah, oo waxay ka mid yihiin muslimiinta laga shirayay sidii looga saari lahaa diinta Islaamka. Sidaas darteed waxaa laasum ah in qof walboo soomaaliyeed uu foojignaado, isla markaasna uu ogaado inay jiraan dad har iyo habeenba ka shaqaynaya sidii shacabka soomaaliyeed looga saari lahaa diinta Islaamka.
No comments:
Post a Comment