Saturday, January 12, 2013

Muslimiinta Dalka Taylaan (Thailand)


MasjidDowladda Taylaan* waxaa xukunkeeda maanta ku hoos nool ilaa 6 milyan oo qof oo muslmiin ah. Dadkaas muslmiinta ah waxay dagaan saddexda gobol ee la kala yiraahdo Pattani (Fadaani), Yala, iyo Narathiwat. Waxayna saddexdaas gobol juqraafi ahaan ku yaallaan koofurta Taylaan. Gaar ahaanna dhinaca uu dalkaas xuduudda kala leeyahay dalka muslimka ah ee la yiraahdo Maleysiya. Inkastoo ay muslimiintu ku kala firsan yihiin Taylaan, hadana sadexdaas gobol ayaa saldhig u ah.
Muslimiinta Taylaan waxay qowmiyad ahaan ku abtirsadaan qomiyadda Malaayooga ama (Malay People) oo ah qomiyadda aqalabiyadda ku leh wadanka Malaysiya. Waxayna muslimiinta Taylaan ku hadlaan luuqada Malaayooga oo qoraalkeeda ay u adeegsadaan xuruuf carabi ah.


Taariikh ahaanna, muslmiinta Taylaan waxay lahaan jireen saldanad islaami ah oo ayaga u gaar ah. Saldanadaas oo magaceeda la oran jiray Fadaani Daarusalaam (فطاني دار السلام). Waxayna saldanadaas dhalatay qarnigii 16aad ee miilaadka (1500s). Waxay ka talinaysay saldanadaas dhamaan dhulka ay maanta dagan yihiin muslmiinta Taylaan, oo ay Taylaan gumaysiga ku haysato wakhtiga xaadirka ah.

Waxay saldanadaas taagnayd mudo lagu qiyaasay ilaa 250 sano, oo ay ahayd saldanad madax banaan oo shacabkeeda muslimka ah uu ku nool yahay nabad iyo madax bannaani. Waxaase dhacday in awooddii saldnadaas ay wiiqantay dhamaadkii qarnigii 18aad ee miilaadka  (1700s). Waxaana sabab u ahaa burburka ku yimid saldanada Fadaani dagaallo joogta ahaa oo dhex mari jiray saldanadaas iyo boqrtooyadii Siyaam (Siam) oo ah mida maanta loo yaqaan Thailand. Boqortooyada Siyaam markii ay ka adkaatay saldanadii Fadaani, waxay kusoo rogtay boqoradii musliinta ahaa  inay raalli ku noqdaan in saldanadooda ay hoos tagto Siyaam oo ay bixiso lacag baad ah oo joogto ah. Midaas oo sii wiiqday awooddii saldanadii muslimiinta oo suuragal ka dhigtay in boqortooyadii Siyaam ay si joogto ah u faragaliso arrimaha saldanadaas muslimka ah. Ugu dambaynna faragalintaas waxay ku dhamaatay inay Taylaan la wareegto saldanadii Fadaani, oo ay ka dhigto qayb dhulkeeda ka mid ah. Waxaana arrintaas suuragal ka dhigay heshiis dhex maray Taylaan iyo gumaysigii Ingiriiska sannadkii 1909. Heshiiskaas oo u sharciyeeyay Taylaan dhulka ay muslmiinta ka boobtay.

Muslmiinta Taylaan waxay in badan isku dayeen inay ka xoroobaan gumaysiga Taylaan, isla markaasna ay soo ceshadaan dowladoodii madaxa banaanayd. Laakiin Taylaan waxay arrintaas mar walba uga hor tagtay muquuqin xad dhaaf ah iyo gumaad ka dhan ah shacabka muslimka ah ee la-haystaha ku ah dalkaas. Waxay Taylaan isku dayday inay tirtirto haybta, diinta, iyo luuqadda muslimiinta ay dhulkooda xoogga ku hasyato. Sidaas darteed waxay cariiri galisay barsahada diinta Islaamka, iyo dhamaan wax walba oo xiriir la leh hidaha iyo dhaqanka muslmiinta ay dhulkooda gumaysiga ku hasyato. Waxay Talyaan kusoo fatahday goboldada ay muslmiinta dagaan buudiyiin kasoo jeeda qowmiyadda Tayga (Thai People), ayadoo midaas uga dan leh inay muslmiinta dhulkooda ku ciriiriso oo aqaliyad ay ka dhigto. Siyaasadaas oo ah mid ay raacaan dowladaha sida xaq-darrada ah ku haysta dhul ay muslimiintu leeyihiin, sida Shiinaha, Ruuskha, Filibiin iwm.
Siyaasadaha ay dowladda Taylaan raacdo si'ay u muquuniso muslimiinta waxaa ka mid ah; xarig aan sabab qaanuuni ah lahayn, jir-dil marar badan geeri ku dhamaada, burburinta masaajidda iyo madaarista muslimiinta, iyo xad-gudubyo kale oo aan lasoo koobi karin.
__________________________
* Taylaan waxay ku taallaa qaaradda Aasiya, gaar ahaanna dhanka koorur-bari ee qaaradaas. Dalalka ay xuduuda la leedahay waxaa ka mid ah Maleysiya (Malaysia), Kamboodiya (Cambodia), Buurma (Burma), iyo Laawoos (Laos).

No comments:

Post a Comment